Faysal Cali Waraabe Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Dalka Belgium -ka Loogu Qabanaayo Maamul Gobaleed-yada Somaliya + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali
Waraabe ayaa waxaa uu maanta gaadhey magaalada Brussels ee dalka Belgium halkaas oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ay gaadhayeen madaxda maamul gobaleedyada Somaliya iyo Madaxweyne Farmaajo-ba
Magaalada Brussels waxaa dawlada Somaliya loogu qabanayaa markii shirka Amaanka Somaliya waxaana ka qeyb galaya dhamaan madaxweynayaasha maamul gobaleed-yada Somaliya iyo Madaxweyne Farmaajo
Ilaa hada xukumada Somaliland kamay hadal shirkan iyo waliba qaabka ay ku waajaheyso , lama-na garanayo qaabka uu ku tagay gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=jScZaFrkEg8