Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa Ka Dib Kulankii Farmaajo Iyo Ka Qayb-Galkii Shirkii Brussels+SAWIRRO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyey madaaarka Cigaal International Aiport oo uu ka soo degay goor dhaweyd kadib markii uu ka soo laabtay shir uu kaga qeyb galay dalka Belgiumka kaas oo loo qabtay dawladda Soomaaliya iyo maamuladdeeda.
37905788_2054509324799523_4662938649149571072_n

37824077_2054509214799534_6987493671230767104_n

37830850_2054509488132840_8796690387734364160_n

37795876_2054509561466166_2473580659151470592_n

37861296_2054509651466157_9063301268612579328_n

37913426_2054509764799479_1985165439335923712_n

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa hore waxa uu walaac uga muujiyeen in xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe ay kku xidhayso guddoomiyahooda.Geesta kale waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland qaadacday oo loo qabtay Somaliya.
Muuqaalka warkan iyo khudbada Faysal Cali Waraabe goor dhaw kala soco halkan

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay kadib soo dhaweyntiisa waxa uu shegay in u ku faraxsan yahay in dalkiisa si diiran maanta. Faysal waxa uu sheegay in aanu ahayn maanta nin looga baqaayo qarannimada Somaliland oo uu yahay nin ku adag.
“Anigu ma ihi nin maanta Somaliland looga baqaayo…” ayuu yidhi Faysal.
“la ficiltami maayo anigu Muuse Biixi” Faysal Cali Waraabe ayaa sida yidhi isaga oo ka u jawaabaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi
Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaalka Tuke-raq, shirkii Brussels, iyo arrimo kale oo door ah.