Madaxweyne Farmaajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Asmara Ee Dalka Eretria + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayeey uga bilaabatay booqasho Saddax cisho ah magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

IMG_6C2E20-2056DA-FC67E3-0F5035-7E47D8-FC68A5

Garoonka diyaaradaha waxaa magaalada Asmara waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eritrea, Wasiir, iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan-yahay Asmara waxaa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea, iyaga oo ka wada hadli doono hagaajinta cilaaqaadka labada dalka oo muddo dheer-ba mugdi ku jiray.

37884727_2056564544594001_1003294675194347520_n

Madaxweyne Farmaajo waxaa booqashadiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla dowladda.
Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo madaxweyne Soomaaliya uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay ka go’day Itoobiya sanadkii 1993

37907474_2056564617927327_8540854102333063168_n

37910408_2056564701260652_7782529131748524032_n