Maxaa Sabab U Ah Iscasilaada Gudoomiye Saleebaan ?? + [ Akhriso ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha golaha Guurtida
Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa la filayaa in uu dhawaan banneeyo oo uu iska casilo xilka guddoomiyenimo ee golahaasi.

IMG_063EAC-F76095-FA0919-1E631C-93EDC6-AD2781

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, guddoomiye Saleebaan ayaa go’aansadey in uu daba-yaaqada sanadkan gaar ahaan bisha December,2018 uu iskaga tago xilka guddoomiyenimo ee golaha Guurtida Somaliland.
Md.Saleebaan Maxamuud Aadan oo xilka guddoomiyenimo ee golahaasi soo hayey muddo 14-sanno ah, ayaa illaa hadda aan si rasmi ah loo caddeynin sababaha uu u baneynaayo kursigaasi balse sida ay ila-wareedyadu xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in guddoomiyahu uu kursigaas u banneynaayo arrimo shakhsi oo isaga u gaar ah iyo khilaafaad soo noq-noqonaayey oo muddooyinkii dambe soo kala dhex-galay isaga iyo odeyaasha golaha Guurtida Somaliland oo qaar ka mid ahi ay hore ugu goodiyeen in ay xilka ka qaadayaan.
Wararku, waxa kale oo ay intaas ku darayaan in aanay isku san bannaaneyn Xukuumadda hada jirta iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland taas oo iyadu na qeyb ka noqon karta waxyaabaha soo dedajiyey go’aanka uu xilka guddoomiyenimo ku banneynaayo Md.Saleebaan Gaal.
Golaha Guurtida Somaliland, ayaa inta badan loo soo jeediyaa dhaliilo la xidhiidha gudasho la’aan dhinaca hawlaha qaran ee ay shacabka u hayaan, waxaana si gaara Saleebaan looggu dhaliilaa in uu golaha Guurtida ka dhigay mid dhaxal-tooyo ah oo la iska dhaxlo kuraasta ka bannaanaata Golahaasi iyo weli ba sida oo kale in uu aad uga gaabiyo xalinta iyo dejinta deegaanada ay ka taagan yihiin colaadahu.
Dhawaan golaha waxa gilgilay khilaaf xooggan kadib markii la sheegay in mudaneyaal door ahi codsadeen wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha laakiin, guddoomiye Saleebaan qodobkaasi ka saaray ajandaha taas oo buuq ka dhashay loo saaray guddi kala metelaysa mudaneyaasha golaha iyo shir guddoonka.
Guddoomiyaha ayaa mar uu xildhibaannada la hadlayay ku hanjabay in golaha la kala diri doono haddii khilaaf noocan ahi ka istaadhmo xilli mudaneyaashu si weyn uga cadhoodeen in xallinta colaadda Ceelafweyn loo diray ergooyin qaybaha kala duwan ee shacabka laga soo ururiyay taas oo ay u arkeen gaabis ku yimid shaqada golahooda

Source :- Waabari