Maxuu Muj Axmed Mire Ku Diiday Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi ??

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar soo baxaya oo aan si rasmi ah
loo xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in aan si rasmi ah loogu guuleysan kulan la doonaayey in la iskugu geeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Muj Axmed Mire Maxamed .
Wararkan ayaa waxaa ay sheegayaan in ay u tageen Muj Axmed Mire qaar ka mid ah saraakiishii Ururkii SNM oo ka dalbadey inuu kulan la yeesho madaxweyne Muuse Biixi.

IMG_5CE734-1A1555-0B8098-BD5263-0F84B9-C54AAB

Waxaana la sheegay in uu Muj Axmed Mire ka cudur daartey kulankaas lama oga sababta uu Muj Axmed Mire ku saleeyey cudur daarkiisa iyo inuu kulan danbe la kulmi doono madaxweynaha .
Dedaalkan la doonaayey in lagu kulansiiyo labada Mujaahid ayaa la sheegay inuu socdey maalmihii uu madaxweyne Biixi la kulmay siyaasi Ismaciil Hurre Buubaa .
Waxaana la sheegay in madaxweyne Biixi uu doonaayey inuu sidoo kale uu isna la kulmo Muj Axmed Mire , isagoo ka jawaabaya baaq-yo loo jeediyey oo nuxurkoodu ahaa inuu dadka isku soo dhaweeyo .
Muj Axmed Mire oo dhawaan dalka ku soo laabtey ayaa waxaa uu ka qeyb galay shirkii ay Buurta Gacan Libaax ku qabsatey Beesha Garxaajis .
Source:- Geeska