Mudaharaad Xoogan Oo Hada Ka Socda Addis Ababa Iyo Arinta Lagaga Soo Hor Jeedo + [Akhriso ]

Addis Ababa(Salaanmedia.com)_ Boqolaal Qof oo ka cadhaysan Dilka
Madaxa Mashruuca Biyo Xidheenka Wabiga Niil ee wadanka Ethiopia Simegnew Bekele, ayaa isugu soo baxay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada Ethiopia.

IMG_853030-70B48F-803552-F0AD7B-ED31C5-D4F556

Warkan oo lagu baahiyay telefishanka EBC ayaa intaas ku darayya in Dadkan ay dalbanayaan in sharciga laga hor keeno cidii ka danbaysay dilka Simegnew Bekele, oo maydkiisa laga helay gaadhigiisa dhexdiisa isla markaana madaxa lagaga dhuftay xabad.
Simegnew Bekele, ayaa gacanta ku hayay Mashruuca Biyo Xidhiidhnka wadanka Ethiopia oo ay ku baxyso aduun lacageed oo gaadhaya $4 billion (3.05 billion pounds).