Nidaamka Cusub Ee Itoobiya Ku Wajahayso Arrimaha Soomaalida Oo Halis Ku Ah Somaliland, Taageerada Abiy Axmed Ee Xukuumadda Farmaajo Iyo Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Oo Meel Xun Maraysa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika waxa ay ku socotaa xawli is-baddal kadib is-baddalkii dhinaca Hogaanka ee ku yimid talada waddana Itoobiya oo ah kan isagu saamaynta ugu badan ku leh dalalka Geeska Afrika, iyo sidoo kale is baddal weyn oo ka muuqda hannaanka dawladnimo ee maamulka dalka Soomaaliya oo isagu ku tiirsan beesha Caalamka waxaanay is baddaladaasi saamayn weyn ku yeelanayaan xaaladda siyaasadeed Somaliland.

UbdoHwcj_400x400-150x150

Duruufaha Siyaasadeed ee Somaliland oo meel adag marayaa waxa ay ku soo beegmayaan is baddaladaasi ka socda Geeska Afrika iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay helayso dawladda Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambaysa xaalad ku-jiq-sii ah kula macaamilaysa Somaliland iyada oo ka faa’iidaysanaysa sharcinimada dalkaasi ee aqoonsiga beesha Caalamka waxaanay taasi halis galin kartaa guud ahaanba Somaliland oo maanta ku sugan Xaalad Adag.
Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay dabayaaqadii Bishii March Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed marka laga yimaaddo is baddalada uu ku samaynayo siyaasadda waddankiisa waxa u barbar socda nidaam u qorshaysan oo loogu magac daray Is-dhex-galka Geeska (Horn Integration Policy) oo uu kula macaamilayo dalalka xuduudda la leh Itoobiya gaar ahaan Soomaalida, siyaasaddaasi oo masalaxad weyn u ah Soomaaliya kana soo hor jeedda Somaliland maadaama la sheegay in ninkani si weyn u taageerayo dawladda Xamar.
Khubarada u kuur-gala siyaasadda mandaqadda Geeska Afrika waxa ay nidaamka siyaasadeed ee Abiy Axmed ku tilmaameen mid halis weyn ku ah Somaliland maadaama uu si cad u danaynayo in uu uga leexdo nidaamkii hore ee Itoobiya kula macaamilaysay Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo u janjeedha dhinaca Soomaaliya. “Abiy Axmed waxa u qorshaysan in uu Soomaaliya mideeyo oo meesha ka saaro siyaasaddii ay Itoobiya kula macaamilaysay dawlad-goboleedyada” sidaa waxa yidhi Dr. Axmed Cismaan oo ku xeel dheer siyaasadda Geeska Afrika.
Taageerada Beesha Caalamku la garab joogsatay dawladda Soomaaliya oo ay ugu dambaysay aqoonsigii dawladda Norway shalay oo Jimce ahayd ku sharciyeysay baasaaboorka Soomaaliya ayaa waxa uu si weyn culays ugu yahay Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah, dadkeeduna u baahan yahay sharci iyo dhukumanti ay dunida ku maraan. Maalmihii ugu dambeeyey waxa magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho si weyn looga hadal hayaa qaabka ay dawladda Soomaaliya u maaraynayso xujaajta Soomaalida. Waana dhibaato weyn oo shacabka Somaliland soo food saartay cadaadiska aqoonsi la’aantu ku keenay ee dhinaca dhukumantiga dal ku galka.
Tabashooyinka beelaha Somaliland dhexdooda, dagaalka Soomaaliya iyo Soomaaliya ee Gobolka Sool iyo cadaadiska dawladda Soomaaliya maalinba maalinta ka dambaysa ku saarayso Somaliland dhinaca ugu awood sheegashada aqoonsiga iyo tallaabooyinka ay ku qaadayso ayaa waxa ay keeneen in aanay xukuumadda Muuse Biixi illaa imika haynin jid ay ku maarayso dhibaatooyinkaasi wakhti laga dayrinayo halka ay marayso siyaasadda Arrimaha dibaddu oo ah meeshii ugu hoosaysay.