Qaar Ka Mid Ah Basaaskii U Bixi Jiray Xaafadaha Magaalada Hargeysa Oo Saaka Shaqadii Joojiyey Iyo Sababta Kaliftey + [ Akhriso ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Basaska u baxa degmada
Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa saaka shaqo-joojin sameeyay. Waxay ka cabanayaan waddo xumo iyo Parking la’aan.

gaadiidka-basaska-ee-dadweynaha

Dadweyne badan oo markay shaqo tagayaan basaska raaci jiray ayaa saaka lug ku tagay suuqa, halka kuwo kalena ay qiimo ka qaalisan basaska ay ku raaceen Tagaasida.
arrintan ayaa ah mid ku cusub saaka Dadka Degan Xaafadaha Degmada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa,lamana garanayo inta ay sii socon doonto.