Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Deegaanka Ceel Afweyn Oo Maanta Labada Dhinac Lagu Dhaariyey

Ceelafweyn (Salaanmedia.com)_ Shirka Nabadaynta Beelaha Deegaanka Ceel Afweyn ee Baryahanba Ka Socday Deegaanka Degmada CeelAfweyn ayaa maanta Si habsami ah Loogo dhaariyey labada Dhinac ee colaadu dhex martay.

37730280_686346598385143_2996079055800893440_n

Shirka oo saaka si habsami ah u bilaabmay ayaa ugu horeyn waxaa shirka furay afhayeenka Shirgudoonka Sheekh Ismaaciil Dheeg waxaana furitaanka kadib labada dhinac ka dalbady inay shir gudoonka usoo gudbiyaan liisaska labada dhinac laga dhaarina oo dhan walba ah 21 Qof iyo liiska Garta U Galaya Labada Dhinac oo dhan walba ah 3 ruux.
Intaasi kadib waxaa hadalo la siinay Boqor cismaan Buurmaday Iyo Suldaan Cali Cumar Saalax oo kasoo kala deeda labada dhinac ee loo garnaqayey waxaana ay halkaasi kasoo jeediyeen hadalo ay ku dhiiri galinayeen nabada iyo in si bilaa turxaana loo garamo.
Intaasi kadib waxaa khudbad diinya oo ku saabsan culayska dhaartu leedahay Sheekh Berbaraawi oo aad ugu talax tagay muhiimada dhaartu leedahay iyo kag alle iyo dhan bini aadamanimaba .
Ugu danbayna waxaa halkaasi lagu dhaariyey min 21 ruux oo dhinac walba ah sidaasi kadibna waxaa loo balamay in bari si toosa loo guda gallo Garnaqa labada dhinac.