Shirka Nabadaynta Ee Ka Socda Deegaanka Ceel Afweyn Oo Maanta Mar Kale Lagu Dhaariyey Xubno Kamida Beelaha Gobolka Sanaag Dega.

Ceelafweyn (Salaanmedia.com)_ -Shirkii nabadaynta beelaha deegaanka ceel afweyn ayaa maanta mar kale lagu dhaariyey Qaar kamida beelah dega Gobolka Sanaag si nabadaasi gobolka oo dhan uga hirgasho.
Shirkan ayaa sidii caadada ahayd waxaa shir gudoominayey shir gudoonka ergadu u xulatay shirka ee culimada u badan waxaana kasoo xaadiray Xidhayaasha labada dhinac iyo dhamaan beelaha kasoo kala jeeda labada dhinac ee loo garnaqayo.
Madasha shirka ee ka socda hoolka shirarka ee guriga martida Degmada Ceel Afweyn ayaa waxa lagu dhaariyey 20 xubnood oo dhan walba ay ka socdaan 10 Xubnood.

37888950_689435561409580_495040889769426944_n

Dhaarta xubnaha kadib waxaa shir gudoon ka dalbaday labada dhinac inay jir guddoonka usoo gudbiyaan jawaabihii garnaqsiga dhan walba waxa uu ka qabo , dhiig waxa uu qabo, Duugid , magta jufida iyo magweyn waxa ka maqan iyo waxa lasiiyey sidoo kale waxaa intaasi shir gudoonku raaciyeen inay keenaan lifaaqa heshiisyadii ay labada dhinac hore u wada galeen.
Labada dhinaca ayaa madasha shirka ku wareejiyey dhaamaanba dalabaadka uu shir guddoonku ka codsaday.
Ugu danbayntii sheekh Cumar Sheekh Maxamed Dirir oo shirkaasi soo xidhay ayaa sheegay in inta ka horeysa bari galinka danbe shirku xidhan yahay.
Dhinaca Kale waxaa halkaasi baaq nabadeed diray ergada beesha ayuub ee kamida ergooyinka nabadaynta u jooga degmada Ceel Afweyn.
Goordhaw filo muuqaalada warkan