Shirkadda Somtel Oo Soo Bandhigtay Guuleysteyaashii Barnaamijka Abaal-Marinta Sannadkan Qaybtii 2aad Ee Xajka Iyo Dalxiiska + [Muuqaal /

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Shirkadda Dahab-shiil Group, gaar ahaan
qeybteeda Isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel, ayaa soo bandhigtay guuleysteyaasha wejiga labaad ee ah barnaamij bakhtiyaa nasiib ah oo ay shirkaddu ugu tallo-gashay in ay ku abaal-mariso macaamiisheeda oo qaarkood ku guuleysteen Xajka iyo weli ba Dalxiis dalka gudahiisa ah. Waxaana wejiga labaad ee barnaamijkaas ku guuleystay 8-qof oo 6-qof oo ka mid ahi ay ku guuleysteen Dalxiis dalka gudahiisa ah halka labada qof ee kale na ay ku guuleysteen Xajka oo ay shirkaddu u qaadeyso.

Munaasibad lagu soo bandhigaayey guuleysteyaasha barnaamijkaasi si xalaala shalay looggu qabtay magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ay Warbaahintu goob-joog ka ahayd, ayaa waxa ay wariyeyaashu indhahooda ku arkaayeen barnaamijkan oo Server-ka shirkaddu uu si nasiib ah u soo dooraayo cidda noqoneysa guuleystaha barnaamijkaasi, kuwaasi oo dhammaantood na si toos ah loogga wacaayey gudaha manaasibaddaasi isla mar ahaantaana looggu bushaareynaayey in ay yihiin guuleysteyaashii barnaamijka bakhtiyaa nasiibka ah ee shirkadda Somtel ay ugu tallo-gashay raali-gelinta iyo wax ku celinta macaamiisheeda.
Madaxa Xidhiidhka dadweynaha shirkadda Somtel Md.Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ugu horreyn intii aanu hawsha bilaabmin halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay shirkad ahaan soo bandhigayaan wejiga labaad ee barnaamijka bakhtiyaa nasiibka ah ee shirkadda Somtel, waxaana uu ka sheekeeyey sidda uu u qabsoomaayo barnaamijkaasi iyo wejigiisii hore ba.
“Waxa aanu soo bandhignay guuleysteyaashii, waxaana halkan ku guuleystay oo barnaamijka qeybtii Koowaad helay sida aynu ka war-qabno hal qof oo Xajka ku guuleystay oo aynu oggeyn siddii ay u dhacdey qofkaas macmiilka ah oo joogay Beertiisa ama gurigiisa oo ku yaala Botor ee deegaanka Gabiley. Maanta na waxa aynu halkan u joognaa waa qeybtii labaad oo iyada na aynu rajeynayno in macaamiisha shirkadda Dahab-shiil Group in ay ku guuleysan doonaan abaal-marin ka mid ah abaal-marinihii sannadka aynu ugu tallo-galnay, maanta waxa aynu halkan u fadhinaa oo munaasibaddani daaran tahay in aynu qeybtii labaad halkan ku soo bandhigno, qeybta labaad na waxa ay ka koobnaan doontaa ama ba ay noqon doontaa laba qof oo ku guuleysan doona Xajka, sida aynu ka warqabno na barnaamijkani guud ahaan waxa uu ahaa saddex qof oo Xaj ku guuleysanaayey, saddexdii qof waxa hore u guuleystay hal qof oo ku guuleystay Xaj, maanta na munaasibaddu waxa ay daaran tahay in laba qof oo Server-ku soo xuli doono labadaas qofna ay ku guuleysan doonaan Xajka, markaa waxa aan rajeynaynaa in qof kasta oo daawanaya ama macaamiisha ka mid ah ama hore u niyeystay Xaj in uu heli in isha Allah maanta uu Alle niyaddoodii u fulin doono oo aanad ku guuleysan doontaan Xajka.”.Ayuu yidhi Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi
Md.Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in abaal-marintan ay bixinayso shirkadda Somtel aanay macnaheedu ahayn in ay wada gaadheyso dhammaan macaamiisha shirkadda oo dhan balse mar walba ay jiraan dad guuleysteyaal ah isaga oo carabka ku dhuftay in ay ka shirkad ahaan mar walba sii wadayaan barnaamijkan iyo kuwo kale oo ka duwan ba si ay shirkaddu wax ugu celiso macaamiisheeda, waxaan uu yidhi:-
“Waxa kale oo aanu macaamiisha u sheegaynaa in abaal-marintani aanay wada-gaadhi karin macaamiisha oo dhan oo Somalidu waxa ay tidhaahdaa Roob da’ay baan dadka wada gaadhin, abaal-marintan macnaheedu maaha in qof kastaa helaayo abaal-marin, maalmaha soo socda na in kale ayaa guuleysan doonta, abaal-marinahani maaha sannadkan oo keliya, sanadahii ugu dambeeyey oo dhan waanu wadnay shirkad ahaan oo maalin ba in baa guuleysanaysay waana aanu sii wadi doonaa Isha Allah, in aanu abaal-marinaha noocan oo kale ah ee aanu bulshada wax ku celinayno aanu sii wadno. Markaa macaamiisha Dahab-shiil Group waxa aanu lee nahay ha ka daalina ee ku xidhnaada guud ahaan adeegyada kala duwan ee haddey noqoto Dahab-shiil Bank, Hadey noqoto qeybta Xawaaladda, Haddey noqoto E-Dahab ka, Hadey noqoto xagga Somtel iyo hadalka iyo Internetka inta ba, ku xidhnaada shirkadda oo wax shuruud ah oo la idin ku xidhayaa ma jirto.”
Madaxa Iibka ee shirkadda Somtelso! Marwo Hibo Warsame oo iyadu na halkaas ka hadashay, ayaa ku dhawaaqdey tartameyaashii ku guuleystay barnaamijka abaal-marinta macmiilka ee ay shirkadda Somtel ugu tal-gashay macaamiisheeda.
“Waxa aan ugu horreyn u mahad-celinayaa dhammaan ba macaamiishayada isticmaasha Somtel iyo guud ahaan ba Dahab-shiil Group, dhammaantiin hambalyo sida oo kale waxa hadhay qaybtii 3aad ee abaalmarinta oo ay ku jiraan abaalmarino qaali ah sida Gaadhi cusub hadaba ha furnaado mar walba Simcard kaaga Somtel kuna isticmaal adeegga E-dahab. Wejigan labaad dadka ku guuleystayna waxa ay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran.
1.Guuleystaha 2aad ee Xajka Maxamed Cabdillaahi Xuseen oo jooga magaalada Hargeysa, 659912101
2. Guuleystaha 3aad ee Xajka Khadar Guuleed oo jooga Magaalada Buroc, 659307271
3. Guulaystaha 4aad ee Dalxiiska Nimco Sagal Digaale, Burco, 659231184
4. Guulaystaha 5aad ee Dalxiiska Kawsar Alaale Iidle, Boorama 654533222
5.Guulaystaha 6aad ee Dalxiiska Basra Aadan Jaamac, Wadaamo-goo, 654272620
6. Guulaystaha 7aad ee Dalxiiska Mohamed Ali Hajji, Boorama, 659273038
7.Guulaystaha 8aad ee Dalxiiska Cali Cumar Geesood, Gabiley,659996890
8.Guulaystaha 9aad ee Dalxiiska. Axmed Xaamud Ducaale, Boorama 659259176
Madaxa Suuq-geynta Shirkadda Dahab-shiil Md.Sacad Musue Cabdi oo isagu na halkaas ka hadlay, ayaa, ayaa macaamiisha shirkadda iyo guud ahaan ba shacabka Somaliland ugu baaqey in ay isticmaalaan adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan shirkdaha Dahab-shiil Group, waxaana uu hambalyeeyey tartameyaashii ku guuleystay barnaamijka Barkhtiyaanasiibka ah ee lagu abaal-marinaayo macaamiisha.
Sacad Muuse Cabdi, Madaxa Shirkadda Suuq-geynta Shirkadda Dahab-shiil. “Waan hambalyeynayaa Labaddii qof ee Xajka iyo Lixdii qof ee dalxiiska dalka gudahiisa ba ah, runtii macaamiisha waan ku boorinayaa in ay isticmaalaan guud ahaan adeegyada Dahab-shiil Group oo ay Kow ka tahay adeegyada Somtel in lagu shubto, sidoo kale in aad isticmaashaan E-Dahab, sidoo kale in aad isticmaashaan adeega Xawaaladda, sidoo kale waa in aad isticmaashaan adeegyada Bangiga ee Dahab-shiil.”.Ayuu yidhi Sacad Muuse Cabdi.