War Cusub Oo Ka Soo Baxay Khilaafkii Golaha Guurtida +[ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Fadhigii saaka ee ay yeesheen
mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa lagu dhameeyay khilaaf ka dhashay in ajandaha kalfadhiga 66-naad ee golahaasi lagu soo daro xeer hoosaadka.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) oo ay ka soo xaadireen 50 mudane , waxaa u codeeyay in ajandaha sidiisa lagu ansixiyo 45-mudane, waxaa diiday 5-mudane, cid ka aamustay may jirin gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasi ayaanu ansax ku noqday ajandahaasi kalfadhiga 66-naad ee golahaasi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=xe9PzlmtD9g