Askar Liyuu Booliis Ah Oo Laysay 31 Qof Oo Oromo Ah

Jogjiga (Salaanmedia.com)_ -Masuul ka tirsan Dawlad goboleedka Oromada ayaa sheegay in 31 ruux oo Oromo ah la dilay ka dib markii ciidammada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda

download-1-1-150x150

Arrintaas ayaa ka dhacday xadka gobolka Oromada iyo Soomaalida.
Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo ciroole, shan ka mid ahna waxaa lagu sheegay dumar.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.