CAMBAARAYN: Waxaanu Cod dheer ku Cambaaraynaynaa Xilka-qaadista Gudoomiyihii Gudiga Dabagalka iyo Illaalinta Hantida Qaranka ee Baarlamaanka Somaliland Mudane, Xildhibaan Nasir Ali Shire.Aug 20.18

CAMBAARAYN: Waxaanu Cod dheer ku Cambaaraynaynaa Xilka-qaadista Gudoomiyihii Gudiga Dabagalka iyo Illaalinta Hantida Qaranka ee Baarlamaanka Somaliland Mudane, Xildhibaan Nasir Ali Shire.

Nasir cali shire Xilka Qaadistan waxay dabasocotay Daah-ka-feydidii hantidii Qarankan ee ku baxay Sifo Sharciga baalmarsan ee Gudiga Dabagalku soo Bandhigeen. Shacabka Somaliland ee u ooman Cadaalada iyo inay helaan Aqoonsi Dowladnimo ha ogaadeen in Go’aankan Xilka-qaadistu Dhabarjab ku yahay Hanaankii aynu Qaran jira ku noqon lahayn.

Qaran, Shuruudaha ugu horeeya ee laga doonayo ayay ka mid tahay isla-xisaabtanka iyo Daah-feydnaantu. Waa Guuldaro u soo hoyatay S/land in isla-xisaabtankii Meesha ka baxo; Qof walbana u talaabsado siduu doono. Madaxweyne Muse Biixi waxaan ugu baaqaynaa inuusan ka gabanin soo celinta hantida Shacabka ee dadka koobani ku takrifalayaan, Dabagalna ku sameeyo Warbixinta Gudiga Dabagalka.

Mudane Nasir Ali Shire waxaan ku amaanaynaa Gudashada Xilkiisa iyo soo bandhigida Qaybo aad u yar oo ka mid ah musuqa baahsan ee dalka ka dhacay. Warbixintaadu waxay yididiilo gelisay Shacabka Dulman; Waxayna Khalkhal ku riday Dadkii baalmaray Sharciga iyo kuwii wax-boobay. Gebagabo:

Waxaan Shacabka S/land ugu baaqaynaa inay si isku mid ah u Cambaareeyaan Xilka-qaadistan; si loo soo celiyo hantidii la lunsaday, mid soo socotana looga hortago.

Illahay Baa Mahad-leh

Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan