Dawladda Sucuudiga Oo Xalay Xabsiga Dhigtay Imaamkii Xaramka Barakaysan

Riyaad (Salaanmedia.com)_ -Ciidamada Booliska dalka Sucuudiga ayaa waxa la sheegay in habeennimadii xalay ay xabsiga dhigeen Sheikh Saleh Al-Talib oo ahaa imaamkii Xaramka Barakaysan.

Sheikh-Saleh-Al-TalibCIcifDQVAAALQOl-696x464

Imaamka ayaa waxa la sheegay in xalay la qabtay ka hor maalinta ciidda Carrafo.
Imaamka ayaa waxa la sheegay in uu khudbad uu jeediyay maalinimadii shalay uu kaga hadlay in dadka Islaamka ahi ay madaxdooda wax u sheegaan islamarkaana aanay ka gabban in ay xaqa iyo runta u sheegaan madaxdooda.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyada oo hoggaamiyaha da’da yar ee waddankaasi Maxamed Bin Salmaan uu aad ugu dirirsanyahay sidii uu awoodda dalkaasi gacantiisa oo kali ah ugu dhigi lahaa, waxaana uu xidh xidhay dad badan.