[Deg Deg ]:- Jabhada Taliye Caare Oo Afduubtey Gaadhi Ambulance Ah + [ Sawiro ]

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Koox Dablay ayaa afduubtay Gaadhi
Ambalaas ah oo uu lahaa cisbitaal ku yaala Magaalada Xiis oo ku taala waqooyi Bari magaalada Ceerigaabo

IMG_03504A-F2143C-8A3742-4448A1-174F19-5B824D

Si dhab ah looma garanayo cida ay yihiin dadka afduubka geystay, hasayeeshee sawiro la soo dhigay baraha bulshadda ayaa lagu faafiyay muuqaalka Ragga Afduubka ka danbeeyay iyo Baabuurkii ay la baxsadeen.
Warar ay heshay Ilaysnews.com ayaa sheegaya in Baabuurkaasi ay afduubeen Jabhada Taliye Caare
Korneelka oo ka mid ahaan jiray saraakiisha ugu saraysa ciidamada Qaranka Somaliland ee dhinaca Deegaanada Bariga ayaa in dhaweydba ku sugnaa Xadka u dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland, waxaana markii ugu danbaysay ee uu warbaahinta la hadlay uu cadeeyay in uu dagaal ku jiro Xukuumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Hore ayaa waxa ay kooxdaasi afduub ugu geysteen Baabuur ay lahaayeen baanka Magaaladda Ceergaabo, kaas oo sidii lagu waayay, gacanta u galay Jabhadda uu hogaaminayo Kornayl Caarre.
Xukuummadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan weli ka hadal qorshaha uga Meel yaala Jabhaddan iyo falalkan ugu danbeeyay ee ay ku dhaqaaqeen midnaba.