[Deg Deg ]:- Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Taliyayaal Ciidan , Agaasimaha Madaxtooyada Iyo Masuulyiin Kale

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay saraakiil ciidan, iyadoo xilalka laga qaaday saraakiil kuwo kalana la magacaabay.

IMG_03420A-FC5F2E-7F2BAD-EF126B-89661F-993C0C

Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee madaxtooyada ayaa laga dhigay ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda loo magacaabay Aamina Siciid Cali.

Hoos Ka Akhriso Wareegtadda Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha.

1. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
6. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
7. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
8. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.