[Deg Deg ]:- Qaar Ka Mid Xujaajta Somaliland Oo Ka Cabanaya Shirkadaha Ocean Airline Iyo Air Arabia + [ Arinta Ay Ku Sameyeen ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Qaar ka mid ah xujaajta reer
Somaliland ee sanadkan Xajka tagay ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen Shirkada Ocean Airline Iyo Air Arabia oo si wada jir ah Hargeysa uga Qaadey una Geeyey Makka .

IMG_15548E-C458D8-E77219-65061A-9BB867-D3C68A

Xujaajtan oo goor dhaweyd xadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada
Salaanmedia.com
ayaa waxaa ay u sheegen in Tidhidka ay Hargeysa ugu soo labanayeen ay ku qornaayeen ay aheyd 30 bishan Balse si badheedh ah Shirdahadaasi ay dib ugu dhigeen booskoodiina ay ku badesheen dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Konfurta Somaliya oo ahaa dadkii ugu danbeeyey ee xajka taga.
Waxaa ay sidoo kale xujaajtani ay
Salaanmedia.com
u sheegen in ay hada ku xayiran yahiin Magaalada Makka isla markaana Zaad-kii ama qarashkii ay halkaas la tageen uu yahay mid gabaabsi ah
Labadan Shirkadood ayaa masuulyiintooda ugu sareeya lanoo sheegay inay ka soo jeedaan Koonfurta Somaliya .