Faadumo Siciid Maxay Ka Tidhi Xil Ka Qaadista Amb Baashe Cawil ” Sacad-na In Laga Qaado Xilka Ayey Aheyd ..” + [Muuqaal]

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Marwo Faadumo Siciid Oo Ka mid ah
saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay soo dhaweysay digreeto uu maalintii shalay aheyd uu Madaxweyne Muuse Biixi xilki safiirka Imaaraadka Carabta uu kaga qaadey AMB Baashe Cawil oo xilkaasi hayey muddo 3 Sanno Ah .
Marwo Faadumo Siciid ayaa sheegtay in AMB Baashe Cawil muddadii uu xilkaasi hayey uu sameeyey Khaladaad Badan isla markaana ay sidoo kale filayso in uu dhawaan xilka ka qaadi doono madaxweyne Muuse Biixi Wasiir Sacad Cali Shire oo isna khaladaadkaas la Sameeyey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=ERyRG_oV470