Jabuuti Oo Farmaajo Ku Eedeysay Inuu Taageero Indho La’aan Ah Siiyay Eritrea

38164170_2060632390853883_8615279954222907392_n

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Qoraal ka soo baxay safaaradda Djibouti ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay Soomaaliya u codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea iyo taageerada indho la’aanta ah ee Muqdisho ay siiyay Asmara, waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in sidaasi uu Farmaajo sameeyay xilli wiilashooda iyo gabdhahooda ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya
Qoraalka waxaa uu u qornaa sida:
Djibouti ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay codsigii madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabateyntii loo saarey 2009kii kaalinteeda qaska ay ka waddo dalalka dariska ah gaar ahaan taageeradeeda Al-shabaab iyo kooxo argigixiso ah oo Djibouti qas ka wada.
Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay.
Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed.
Djibouti waxaa dagaalka uga dhintay rag iyo haween geesiyaal ahaa, welina murankii waa jiraa, sidaasi darteed waxaa sidhab ah u qaannay taageerada indho la’aanta ah ee walaalaheen Soomaaliya ay siiyeen Eritrea iyaga oo u dooday in Eritrea loo xor looga dhigo dhibka ay ku heysto gobolka. Kama ogolaaneyno wada hadalkaas khatarta ah xilli wiilasheenna iyo gabdhaheenna ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida.