MA DHABAA IN XUKUUMADU AADAN NUUX DHUULE KA DHIGEYSO WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA KADIB MARKII AY MAQASHEY IN KOOX WADDANI KATIRSANI CIRO KU BADELAYAAN.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Sida ay xaqiijinayaan Warar Xogogaal ah oo Tibaaxahooda Hadhwanaagnews heshay ayaa Sheegaya in Koox katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ay, u abaabuleen indhawaale in ay Murashaxa Xisbiga Waddani ee Doorashooyinka Soo Socda ka Dhigaan Aadan Nuux Dhuule oo kamid ah Aqoonyahanka dhinaca Siyaasada u Diga rogtey ee Kasoo Jeeda Somaliland.

222(21)

Talaabadan oo ay Kooxdaasi katirsan Xisbiga Waddani islamarkaana, ku Sugan dalka Gudihiisa iyo Dibadiisuba olole Xoogan oo Xidhiidho Dhaadheer ah ka galeen Sidii ay Doorkan ugu baddeli lahaayeen Murashaxii hore ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), Murashaxnimada Doorashooyinka Dambe Siyaasiga Aadan Nuux Dhuule ayaa Sida la Sheegay Markii ay ka War heshay Xukuumada hadda

haysa Talada Dalka Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahey Muuse Biixi Cabdi Waxa ay Bilawdey Dhinaceeda in ay Taa badelkeeda kaga hortagaan Qorshe ay Kusoo Gacan galinayso Aadan Nuux Dhuule Islamarkaana, ay ku Damacsan tahey in ay ka Dhigto Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda kuna badesho Wasiirka Xiligan ee Arimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire.
Mar Shabakada Wararka hadhwanaagnews isku deyday in aanu Xidhiidh la Sameyno Aadan Nuux Dhuule si aanu Xogahan Wax uga Weydiino ayaaney habayaraatee Noo Suurtagalin.
Sidoo kale Wareysi dhawaan uu La yeeshay Talafishanka Universal Siyaasiga Aadan Nuux Dhuule Waxa uu ku Cadeeyay mar la weydiiyay in uu Damacsan yahey in uu Wakhti Xaadirkan Siyaasada ku jirayo Waxa uu ka badheedhay in uu Doorkiisa ka Ciyaarayo Arimaha Siyaasada khusuusan Somaliland.
Inkastoo aaney jirin Warar Rasmi ah oo ku sahabsan Qorshayaashan oo Kasoo baxey Dhinaca Xukuumadda Haddana Xogtan hadhwanaagnews ka heshay ilo Xogogaal ah oo u Dhuun Daloola Qorshayaasha Labada Dhinac ayaa daaha ka Feydaya in Siyaasiga Aadan Nuux Dhuule ay ka Go,an tahey in uu Diyaar u yahey in Aqoontiisa iyo Waayo Aragmimadiisa Diyaar ugu yahey in Siyaasada Somaliland ka qaato Doorkiisa.
Aadan Nuux Dhuule oo ah Waayo Arag mudo dheer kusoo jirey Siyaasada Soomaalida islamarkaana, ah Shakhsi aad u Deggan oo Dabeecad Wanaagsan taas oo ay dad badan oo aqoon u leh iyo Soomaalida inteeda badani ku jecelyihiin Waxa uu hore uga mid ahaa Wariyayaasha Ruugcadaaga ah ee Soo marey Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee BBC isagoo Wakhtiyadaa uu Wariyaha ahaa kamid Noqdey kuna Biirey Ururkii SNM, Waxa kale oo Aadan Nuux Dhuule Xil kasoo Qabtey Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo kadib markii uu Ka fadhiistey Shaqada BBC ee Suxufinimo isagoo Safiir ka Noqdey Dalkaasi Itoobiya