Madaxweyne Farmaajo Oo Maalinta Berri Booqanaya Jabuuti + [ Ujeedkiisa ]

Muqadisho (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo khamiis ah booqasho ku tagaya dalka Jabuuti, si uu u qaboojiyo xiisada ka dhalatay safarkii uu bishii hore ku tagay Eritrea.

farmaajo.jpg.ca8dda11836dfee9a17ce214632ed891

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalkiisa ay salka ku heyso xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in safarka Madaxweynaha ee Jabuuti uu ka dambeeyay wada hadalo u dhaxeeyay madaxda labada dal oo khadka taleefanka ahaa, kaasoo lagu xalinayay mad madowga siyaasadeed ee labada dal soo kala dhex galay.
Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Farmaajo intii uu ku guda jiray booqashadii uu bishii hore ku tagay Asmara, kaasoo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran Eritrea.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid u janjeedhsatay Isbaheysiga Eritrea iyo Ethiopia ee dhowaan xulafada la sameystay Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas ayaa ka mid noqday saameynta ugu weyn ee ay wajaheyso Soomaaliya.