Mujaahid Axmed Mire Iyo Ugaas Axmed Oo Gurigiisa Ku Bookhday Siyaasi Cali Sandule

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Ugaaska Guud ee Beelah Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) iyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa gurigiisa ku bookhday siyaasiga weyn ee Cali Sandule oo muddo xannuun la ildaran.
Siyaasi Cali Sandule oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii kala dambeeyay ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa muddo xannuun u jiifa.

40161698_2295525843797111_7338736006503333888_n

40058992_2295525977130431_6137311199999557632_n

Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhaliilay inay hagradatay inay la tacaasho xaaladda caafimaad ee siyaasi Cali Sandule.
Maamul gobolleedka Puntland ayaa ugu baaqay ehelada siyaasi Cali Sandule inay u soo qaadaan magaalada Garoowe si ay ugu raadiyaan dhakhtar dibaddeed taasi ay sheegeen in uu kafaalo qaaday Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.