WAR DEGDEG AH: GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADDA SOMALILAND OO XILKII KA QAADAY GUDDOOMIYEHA GUDI HOOSAADKA DABO GALKA HANTIDA QARANKA

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa goor dhaweyd xilkii Ka qaaday Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ahaa guddoomiyaha Gudida ilaalinta iyo dabo galka Hantida qaranka.
Xil ka qaadistan oo uu xildhibaanku u xaqiijiyay warbaahinta ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii gudida uu Guddoomiyaha U Yahay soo bandhigeen Musuqmaasuq Baahsan oo ay wasiiro ka tirsan Xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku talaabsatay.
Warbixintan oo dhawaan uun soo baxday ayaa waxa ay khilaaf hor leh ka dhex abuurtay guddi hoosaadkaasi iyo guddoomiyaha golaha wakiiladda, waxaana ay sababtay in uu raali gelin bixiyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Dhinaca

IMG_2F2E79-0AEB33-36434D-095234-049D9A-8EE64A

kale shacabka Somaliland ayaa soo dhaweeeyay warbixintaasi, waxaanay ku adkaysanayeen in golaha wakiiladdu Somaliland markii ugu horeysay intii uu jiray ku dhiiraday in ay soo bandhigaan musuqmaasuqa ay xukuumadii hore ku talaabsatay.