Wararkii Ugu Danbeeyey Labadii Wasiir Ee Somaliland Qabtey Oo Go,aamada La Filaayo In Laga Qaato + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawlada Somaliland ayaa wali haysa
laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee madaxweynihi hore ee Soomalida Itoobiya oo La qabtey iyaga oo ka dhoofaya madaarka Hargeysa .
Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magic dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii Cadaalada Jamaal Axmed Qaloonbi , Waxaana la qabtey maalintii ciida Carafo iyaga oo doonaayey inay ka dhoofaan Madaarka Hargeysa isla markaana ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in labadan wasiir loo haysto inay si dhuumasho ah ku soo galeen Somaliland , iyaga oo aan dal ku gal wadanin , isla markaana ay rabeen inay garoonka kaga baxaan si dhuumasho ah .
Lama garan karo waxa ay xukuumada Somaliland ugu talo gashay labadan wasiir ee hore , waxaase suurto gal in dib loogu celiyo dalka Itoobiya ama loo musaafuriyo dalka ay doonayeen in ay tagaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=RqMM6rzSd8Q