Warqad Furan Madaxweyne Muuse & Kornayl Caarre ..Aug 31.18

Qoro Sharmarke  AwMuuse Xasan Burco.. Warqad Furan Madaxweyne Muuse & Kornayl Caarre ..Aug 31.18images
———————————————————————
● Kor.Caarre

Ayaamahan waxaa hadal haynteedu badatay Jabhad lagu sheegay in ay ku kacsantahay S.land oo Saldhig ka dhigatay PUNTLAND (Qardho) ,

Jabhadan oo uu horjooge u yahay sarkaalaka Millatariga ah ee “CAARRE” sida uu ka sheegay warbaahinta ,

Arinta jabhadan ayaa bulshadu uga faalootay siyaabo kala duwan iyadoo ay jiraan Dad taageero umuujiyay iyo kuwa kale oo kasoo horjeestay intuba ,

Hadaba laftaydu waxaan uholladay in aan ka mid noqdo dadka ka hadlay arintan, anigoo ku darsanaya hadal-dhaanwade, codkaygana ku biirinaaya inta diid madeedu tahay nasteexada iyo lexejeclada,

Ugu horaynba waxaan ka mid ahay dadka aan fahmin ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa in CAARRE duurka galo waqtigan isla markaana uu samaysto jabhad ,

Anigu shakhsiyan waxaan u haystay in ay sal ku leedahay shaqaaqadii Ceel-afweyn ee dhexmartay walaalaha coloobay , waxaanse ogaaday in ay tahay “ka waaweyn” markii ay dhamaatay arinta ceel-afweyn laguna guulaystay soo af jarideeda ,

Marlabaad hadana waxaan is idhi malaha kama foga intan uun ,

1.Dayac ciidan oo uu la kulmay caarre
2.Cadaalad darro iyo Tabasho Qabiil

* Hadii ay tahay Q.1aad oo ah dayac ciidan ,

waxaan leeyahay wuu jiraa dayac kaligaana kuuma gaar aha caarre,

Waxaase jira boqolaal Askari oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ciidanka Qaranka iyo qoysas kooda oo ku dayacan daafaha S.land una baahan in loogu doodo si maan-gal ah ,

Dayacaasi wuxuu isugu jira mid dhaqaale/ mid guri / mid caafimaad / mid agoomo / iyo mid waxbarasho intaba ,

Laakiinse Caarre Taasi uma baahna ficilka guracan ee aad ku dhaqaaqday ee ah ” Kud ka guur oo Qanjo u guur”

Umana baahna Qaran dumis , Waxayse ubaahantahay Isbadal Qaran oo loomaray midnimo lagu kaabay caqli iyo xikmad kamadhan Qabiil iyo Qass ,

* Hadii ay tahay Q.2aad oo ah tabasho Qabiil,

Waxaan leeyahay Caarre miyaad hilmaamtay in reerku leeyahay odayaal / salaadiin / cuqaal / aqoonyahan / iyo guddi ku hadla afkooda,

Inkastoo anigu shakhsiyan aan u arko aafo Qaran luqadaha qabiilka ee la caadaystay , hadana waxaan hubaa dariiqadan in loo helaayo soo dhawayn hadii loo maro nidaamka wada hadalka iyo isla xisaabtanka ku dhisan “Qawlka iyo Qalinka” ,

Dhinaca kale Caarre , hada ogaw waxaa jira Axsaab Qaran oo aad kaga maarmi karto luqada qabiilka, kana soo dhex hadli karto , in kastoo iyaga laftoodu yihiin “cawsle lamuuseeyay ”

Waxaan ka wadaa Caarre hadii ay kula xumaatay Astaantii Qaranka ee aad u xanbaar sanayd ummadan oo ah Darajada /Tuutaha / iyo Qoriga oo waliba aad meel fiican ka gaadhay , ogaw hada kuma qasbanid in aad kiciso fitno aan la aqoon waqtiga ay dhamaan doonto iyo waliba cida ay ku dhamaan doonto ,

Waxaan ka wadaa caarre ma ogtahay mase la socotaa in aad “raacayso waddo dhuxuleed” kugu soo oodmaysa , hadaanay kula galin xidh bahala galeen ah oo halis badani ku duugantahay,

Waxaan ka wadaa Caarre miyaanad ogayn waqtiga lajoogaa in uu yahay 2018-kii mise waxay kaaga ekaatay 1988 —- 1997 ,

Waxaan ka wadaa Caarre miyaanad ogayn in aduunyadu maanta kasii korayso “Qori iyo Qarax ” una kortay “Qalin iyo Qasnad”

Waxaan ka wadaa Caarre Dalkan wuxuu allah ugu deeqay “AMNI iyo IIMAAN ” waxaanan kuu sheegayaa si kasta oo aan kuula qabiil ahay damiirkaygu isiin maayo in aan kugu raaco talaabo guracan oo dhaawacaysa walaalnimada iyo wada noolaanshaha ,

Intaas Caarre iga dheh.

● M.weyne Muuse Biixi

Waxaan soo sheegay In aan caarre ku khilaafay garaaca durbaanka wareersan ee uu labooday , taa micnaheeduna maaha in aan dalka waxba ka khaldanayn , waxaanse caarre ku diday waa nidaamka uu umaray sixida khaladka iyo isbadal doonka ,

Intaa hadaad ila fahantay magaranaayo sabab ii diidaysa in aan cadeeyo dareen kayga ku aadan tilmaanta aan kaga soo horjeedo sida uu usocdo maamulka dalku iyo majaraha uu qaaday,

Waxaanan lee yahay Madaxweyne illaahay baa ina dilayee sidaad wax u wadaa waaku hagar-daamo Dalka iyo Dadkaba , isteerinka gaadhiguna wuxuu kaala baxay wadadii toosnayd ,

Waxaa hubaal ah in Maanta ay ku ururtay Dalkeena tilmaamihii lagu yaqaanay dawlad xumo oo dhan sida –

☆ Cadaalad darro dhan walba saamaysay
☆ Musuq-maasuq baahsan
☆ Sicir-barar iyo dhaqaale la,aan
☆ Maamul Xumo iyo hugaan jilicsan
☆ Kala Qaybsanaan Bulsho
☆ Siyaasad xumo arimaha dibada
☆ iyo Qaar kaloo badan,

Madaxweyne laga bilaabo taladii KULMIYE ee uu hormuudka u ahaa siyaasigii ruug-cadaaga ahaa ee lagu hoos shaqaysan jiray , dalku wuxuu udhaqaaqay dhinaca khaldan ,

Waxaana marag madoon ah in ay soo baxeen Wasiiro madaxweynayaal ah , Ganacsato lanaas-nuujiyo , Agaasime ka awood badan wasiirkiisa , Madaxtooyo lagu gorfeeyo talo Qabiil halkii lagu gorfeyn lahaa talo Qaran ,

Madaxweyne halkii ay ka ahayd in horumar laga fekero maanta waxaa bedeshay in somaliland loo baqo , dhawaaq kasta oo soo baxaana uu noqdo mid dhiilo xanbaarsan ,

Madaxweyne Waxaad kursigan oo ah karaamadii Dadka iyo Dalka usoo martay sifa kasta oo aad ku hanan lahayd ,

Waxaadse u baahantahay in laguugu dhaarto in aad haleeshay kursigii kuna fadhido,

Waxaan ka wadaa Madaxweyne waxaad moodaa in aad meere kale ku dul nooshahay marka la eego is dhagoolayntaada iyo aamuskaaga ,

Waxaan kawadaa Madaxweyne waxaad moodaa wali inaad raadinayso kursigii , marka la eego gar-naqsigaaga iyo halku dhiga aad caadaysatay ee ah waa in sidaa la yeelaa , hada ogaw kii yeeli lahaaba waa adigee ,

Waxaan ka wadaa Madaxweyne miyaanad ogayn in aad tahay shakhsiga kaliya ee awooda uleh in uu dalkan ka leexiyo majaraha habawsan ee uu cagta saaray ,

Waxaan kawadaa Madaxweyne miyaand ogayn in aad tahay masuulka kaliya ee hadii uu dalkani bur-buro ” alle kama dhigee ” uu gacantiisa ku bur-buray , iyadoo xan horana ay jirtay ,

Madaxweyne waan ogahay in tiro badan oo shacab ahi sacabka kuu garaacaan ,
waxaan kaloo ogahay adiguna aad ogtahay sababta ay kuugu garaacayaan in ay tahay “Wax kasta oo Siyaasiga Qabiilkaygu sameeyaa waa sax xitaa haday qaldanyihiin, wax kasta oo uu siyaasiga kale sameeyaana waa gef xitaa haday saxsanyihiin”

Madaxweyne hada kaama foga dhacdooyinka cibrada iyo wax ku qaadashada leh ee ka socda jaarkeena ,

Madaxweyne waxaa si xan ah igu soo gaadhay in aad DHEG qudha wax ka maqsho , tiina password-keeda laga martiyo uun saaxiib kaliya ,

Madaxweyne xantaasi waxay iga soo gaadhay wax garad badan oo talo kuula yimi laakiin hungo iyo fara madhan kaala soo noqday ,

Ugu danbayn Waxaan rajaynayaa in fariintani kusoo gaadho madaxweyne , oo aad dhagaha ufurto , hadii kale xaalku waa “Qaranka oo ciirayna wax lagu tiiqsado maaha , wadaadkaa Muusa-na qorshihiisu wax loo adkaysto maaha ”

waxaanan ku qasbanaan doonaa in aan qalinka si joogto ah uqaato anigoo waliba raadinaaya taxaaluf ka madax-banaan Qabiil iyo Qoys

Intaana Muuse iga dheh.