[Akhriso]:- Nuxurka War Saxaafadeed Uu Soo Saaray Madaxweyne Muuse Biixi

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

IMG_15806C-A7A079-0D5CA8-72F8AA-B16470-73ADC2

41817465_1821599081287270_7728169332705853440_n

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Bixin Derajo
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;
Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;
Markaan Ku Qancay: In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;
Markaan Tixgaliyey: Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo
Daacadnimadiisa;
Waxaan Go’aansaday;
In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland