Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Weeraray Ciidan Uu Watay Taliye Jamaal Baaxad + [ Khasaaraha Ka Dhashay ]

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Ciidanka qaranka
somaliland ayaa galabta weerar ku qaaday ciidan uu wato taliye Jamaal Baaxad oo dhawaan sheegay inuu ka goostay ciidanka qaranka somaliland isla markasina ku biiray jabhadda kornayl caare.

42453920_1804571542944342_6470445579490033664_n

Taliya jamaal baaxad iyo ciidanka uu wato ayaa ku sugnaa deegaanka Buuralayd ah ee Haldhaadan oo ka tirsan gobolka sanaag,waxaana ay wararku sheegayaa In ciidanka uu kala horyimid iska caabin.
Wararka ayaa sheegay in labadda dhinacba ay jiraan khasaare dhaawac ah,balse wali lama hayo war faah-faahsan madaama oo isgaadhsiinta deegaankaasi lagula xidhiidhayo ay adagtahay