Dib u Milicso Dhalliilahii Dhinaca Saami Qeybsiga Kuraasta Xukumadda ee Madaxweyne Biixi u Jeedin Jiray Marxuum Cigaal oo Xilal u Dhiibey Mas’uuliyiin ay Isku Heyb ahaayeen iyo Xaqiiqada Maanta..Sep 06.18

Dib u Milicso Dhalliilahii Dhinaca Saami Qeybsiga Kuraasta Xukumadda ee Madaxweyne Biixi u Jeedin Jiray Marxuum Cigaal oo  Xilal u Dhiibey Mas’uuliyiin ay Isku Heyb ahaayeen iyo Xaqiiqada Maanta

“Ma Maanta Ayaad Awoodii Ku Soo Ururisay In Aad Isku Suldaan Tihiin, Daakhiligii, Xaakimkii Sare, Xeer-Ilaalintii, Taliye Ciidan…..”. Hadaladii Madaxweyne Biixi Ku Duri Jiray Marxuum Cigaal

Hargeysa(Waaberi):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mucaaradad adag soo bandhigi jiray wakhtiyaddii uu dalka Madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay aad iskaga soo horjeedeen dhinaca siyaasadda, waxaana dhaliilahii uu u soo jeedin jiray ka mid ahaa in saamiga iyo kuraasta sare ee dalka uu Madaxweyne Cigaal ku koobay beesha uu ka soo jeedo oo keliya.

Madaxweyne Biixi oo shir-jaraa’id qabtey wakhtigii Madaxweyne Cigaal, ayaa Xukuumaddii wakhtigaas ku dhalliilay dheeli uu markaa u arkaayey in uu ka muuqdey dawladnimaddii markaa jirtay, waxaana uu soo bandhigay in Wasiirkii Daakhiliga ee dawladdii Cigaal, Taliyahii Ciidamada, Guddoomiyahii Maxkamadda iyo Xeer Ilaaliyahii Qaranku ba ay ka soo wada jeedeen beesha Cigaal, waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaaya.

“Ma maanta ayaad awoodii ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin, Daakhiligii, Xaakimkii Sare, Xeer-ilaalintii, Taliye Ciidan. Ma maantaad awoodii ku soo ururisay in Suldaan idin wada xukumo, maanta haddii siyaasaddaadii halkaa ku soo ururtay waxa aan kugu la talinayaa wixii hore laguu yidhi anigoo og in aanad aqbaleyn.”.

Mas’uuliyiinta uu wakhtaas sheegay Madaxweyne Biixi isla mar ahaantaana uu Xukuumaddii Cigaal dhaliil uga dhigayey in ay yihiin mas’uuliyiin isku beel ah, ayaa kala ahaa sidan:-

Wasiirkii arrimaha gudaha Xukuumaddii Cigaal oo uu ahaa Axmed Suldaan Jaambiir,

Guddoomiyahii Maxkamadda oo uu ahaa Cabdiraxmaan Shunuu,

Taliyahii Ciidamada oo uu hayey Xasan Yoonis Habane,

Xeer ilaaliyahii qaranka oo markaa uu ku sime ka ahaa Aadan Xero-dhiig.

Hadda ba, wakhtigaas ka dib, maanta waxa xilka Madaxweynenimo gacanta ku haya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xukuumaddiisu jirto muddo sanad ka yar, waxaana soo baxaya dhaliilo badan oo Xukuumaddiisa looggu soo jeediyo dhinaca saami-qeybsiga kuraasta sare ee dalka iyada oo weli ba wakhtiyaddaa hore uu Xukuumaddii Cigaal ku dhaliilay in Madaxweyne Cigaal taladdii dalka u gacan geliyey mas’uuliyiin isku heyb ah.

Wargeyska Waaberi, waxa uu is-bar-bar dhig ku sameynayaa, mas’uuliyiintaa uu hore carabka ugu dhuftay Madaxweyne Muuse ee uu ku dhaliilay Xukuumaddii Cigaal iyo cidda hadda heysa xilalkaa kuwo u dhigma oo ka tirsan Xukuumadda hadda jirta ee Mudane Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee hadda haya xilka waa  isku heyb Madaxweyne Biixi, halka Marxuum Cigaal ay isku heyb ahaayeen wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee hadda haya xilka waxay isku heyb yihiin Madaxweyne Biixi, halka  Cigaal na ay isku heyb ahaayeen guddoomiyahiisa Maxkamadda.

Taliyaha ciidamada Qaranka ee hadda haya xilka oo ay isku heyb yihiin Madaxweyne Biixi, halka Xukuumaddii Cigaal na ay isku heyb ka ahaayeen Madaxweynahii wakhtigaas iyo taliyahiisii ciidamada.

Xeer-ilaaliyaha guud ee hadda xilka haya, isku heyb maaha Madaxweyne Biixi, se waxa ay isku heyb yihiin mid ka mid ah ku xigeenada Xeer ilaaliyeyaasha guud oo tiradoodu badan tahay halka Madaxweyne Cigaal na ay isku heyb ka ahaayeen ku simahii Xeer ilaaliyaha guud ee wakhigaas ahaana ku xigeenkii Xeer ilaaliyaha guud.

Danjiraha Ingiriiska Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Walaac Ka Muujiyay Jiitanka Colaadda Tukaraq

Muqdisho(Waaberi)  Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya Mr David Concar, ayaa  walaac ka muujiyey xaalada Tukaraq waxaanu sheegay  inay masiibo ku tahay Colaadaasi Somaliland iyo Puntland labadaba,isagoo ku baaqay inay wada hadal nabadeed furaan.

Danjiraha Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia oo War-baahinta Dowlada Soomaaliya waraysi siinayay ayaa sheegay in dawladda UK ka walaacsan tahay xaalada Tukaraq oo uu sheegay inay xagal daacinayso dedaalada hurumarineed ee UK wado. Isagoo sheegay in xiisada Tukaraq ay soo jiitamaysa muddo dheer loona baahanyahay in wada haddal lagu dhammeeyo xaajada

“UK waa taageeraha weyn ee nabada Soomaaliya, waa taageeeraha weyn ee nabada iyo xasiloonida,  uma aragno wax dan  ah inay ugu jirto  dadka caadiga ah ee Soomaalida colaad iyo isku dhac marka aan aragno xaalada sida Tukaraq oo kale,waan ka walaac-naa sababtoo ah waxaan danaynaa dadka Soomaaliyeed bad qabkooda, waxaanu ku dedaalaynaa horumarinta Soomaalida, balse xaaladaha sida Tukaraq oo kale, waxay xagal daacinayaan dedaaladaasi.”

Dhanka kale Danjire David ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Maamulka Puntland inay iskugu yimadaan miiska wada hadalka, waxaanu sheegay in aan xabadi xal ahayn “Waxaanu ku boorinay dhinacyada ay u dhaxayso colaada Tukaraq inay miiska wada haddalka isugu yimaadaan si looga wada hadlo loona gaadho heshiis, iyadoo wada xaajood laga yeelan karayo laguma xalin karo Colaad, waxa lagu xalin karaa wada haddal iyo in la isku yimaado .”Ayuu yidhi

Geesta Kelana Safiirka UK u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay in Dagaalka Tukaraq uu masiibo weyn ku yahay Somaliland iyo Puntland,“ Xaalada Tukaraq waxay soo jiitamaysay wakhti dheer mana aha wax sidaasi u weyn, waxay masiibo ku tahay Somaliland waxay masiibo ku tahay Puntland .”

Khilaaf Ka Dhex Taagan Golaha Deegaanka Boorama, Maayarka  Iyo Xildhibaanad Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay 

Boorama(Waaberi) Khilaaf culus ayaa ka dhex aloosan Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama, kaasi  ragaadiyey hawlihii shaqo ee golaha deegaanka magaalada Boorma , isla markaana laba garab u kala jabiyey Xildhibaanada golaha deegaanka garab la safan maayarka iyo garab kasoo horjeeda,

Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka ayaa todobaadkan horaantiis xarunta Dowlada Hoose  ee Boorama ku jaray baabuur, kuwaas oo diidan Maayarku inuu galo xarunta Dowlada Hoose iyo xuluufadiisa ay iska soo horjeedaan, balse ciidannka Booliska ayaa arrinta soo farageliyey waxaanay ka qaadeen baabuurtii ay afaafka Dowlada hoose laga galo lagu xidhay.

Mudanayaasha ayaa ka soo horjeeda Maayar ayaa sheegay inay ka dalbadeen inuu fadhi qabto , kaasi oo ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan Maayarka, balse uu diidan yahay inuu kal fadhi qabto. Xildhibaan ibraahin Axmed liibaan oo ah Xildhibaanad sida weyn uga soo horjeeda Maayarka ayaa ka hadlay xiisadaasi waxaanu yidhi “ waa kaa iminka wadadiisa la isku haysto oo muran badani ka taagan yahay, wasaarada arrimaha guduhuna ay hoos u eegi ladahay, waa kaa Xildhibaanada iminka ay ciidan u joogaa inay guraan taasna wanagaas ku mur mayna ,waxaanu leenanay waar waxaad ku qaadaysaa xildhibaanada tusa kamana hayno, taasin waanu diidanahay.”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin .

Geesta kalena Duqa Magaalada Boorama oo war-baahintu wax ka weydiisa arrinka khilaafkaas ka dhex taagan isaga iyo xildhibaanada ayaa ka gaabsaday waxaanu ku dooday in aanu jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee Boorama “Runtii Xildhibaanadu waa kuwani ila jooga wax dhib ah oo halkaas ka jirta Xildhibaanada saxaafaduun ayaaa buun-buunisa shaqada ayaa is jiid-jiidadka leh wax kale oo halkaas yaalaa ma jirto.” Ayuu yidhi Maayar Maydhane maqaal3-150x150