Dib U Milicso Wasaaradaha Gaashaandhigga & Iyo Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo 2007 Ku Muransana In Ay Somaliland Aqoonsadaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Sannadkii 2007-dii waxa guul wax ku ool ah soo hooyay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. waxay ahayd markii ugu horaysay ee ay Somaliland ugu dhawaatay inay aqoonsi buuxda ka hesho Dalka Dunidda ugu xooga weyn dhaqaala ahaan iyo military ahaan ba ee Maraykanka. Haweenayda Ann Scot Tyson War-bixin ay ku qortay Wargayska Washington Post oo ku saabsanayd muran ka dhex aloosnaa Wasaaradda khaarajiga iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykan oo ku muransan in gabi ahaan laga guuro Somalia loona guuro lana aqoonsaddo Somaliland oo ah meel xasilloon ayaa muujinaysa heerka Somaliland xilliga maraysay.

8660152-3x2-700x467

Madaxdii wasaaradda gaashan dhiga ee loo yaqaan Pentagon ayaa ku dooday in ay fiican tahay in xidhiidh lala sameeyo Somaliland sida ka Kenya ay la leeyihiin oo kale, waayo bay yidhaahdeed waxay leedahay Madaxwayne la doortay taas oo Somaliland gacan ka gaysan karto kaalmo military oo wax tar u leh amaanka mandaqada oo dhan in kasta oo Somaliland ladahay aqoonsi calaami ah ayay yidhaahdeen.
Waxaanay intaasi ku sii ladheen”Somaliland waa meel madax banaan oo shaqaynaysa” waxa yidhi sidaas masuul sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhiga.Maraykanka
War-bixinta ayaa lagu sheegay, iyadoo la soo xiganayo haddalka sarkaal sare oo ka tirsan ciidan Maraykan in Mawqifka Wasaarada Gaashaandiga Maraykan ee Somaliland ku aadani uu yahay in la helo Somaliland madax-banaan oo xor ah “Pentagon waxa weeye mawqafkiisu inay waajib tahay Somaliland ay noqoto dal xor oo madax banaan.”sarkaal sare oo military ah ayaa sidaas yidhi
Dhanka kalena madax isgaadhsiinta ciidamadda Maraykanka ee geeska Africa ayaa wergeyska Washington post u sheegay inay rabaan inay Somaliland u guurana, balse ay ka dhur sugayaan keliya marka Wasaarada Gaashaandhiga iyo khaarijiga Maraykanka, waxaanay majiirteen Somaliland “Masuuliyiinta military-ga ah ee jooga Jabuuti waxay aad ugu heelan yihiin inay la macaamilaan Somaliland “waxaan jecelnahay sidaas,waxaan sugaynaa uun wasaaradda kharaajiga maraykanka inay na siiyso OKAY-da,” waxa sidaas yidhi Kabtan badda ah oo magaciisa la yidhaahdo Bob Wright oo madax isgaadhsiinta ciidamadda maraykanka ee geeska Africa