“Maalinta Aan Idin Hoggaamin Karri Waayo Waan Idinka Tegayaa” Weedhihii Marxuum Cigaal

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ )-Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa sanadkii 1993-kii markii loo doortay inuu Hoggaamiyo Somaliland shirkii Boorama,waxa uu halkaasi ka jeediyey khudabad dheer oo dhaxal-gal ah taasi oo uu ku sheegay in haddii uu midayn kari waayo shacabka Somaliland in aanu ul ku ururin doonin ee uu iskaga degi doono Xilka.
Cigaal-150x150

Khudbadda Marxuum Cigaal ayaa u muuqata mid jawiga dawladnimo ee ay xilligaas ka hadlaysay wali uu la mid yahay waayaha hadda taagan ee mucaaradnimada iyo dheefsiga dawladnimada ah.
Khudabada Marxuum Madaxweyne Cigaal Ayaa u Dhignay sidan:-
Wax caashaq ayaan naqanaa weli inta la fadhiistay waar maxaa inoo dana miyaa la yidhi, waar danteenu maxay tahay ma la yidhi, inta aynaan garanayn danteena ee aynu kolba ama afmiinshaarnimo ama qaraabo kiil ama adigu dantaadaa yar fusho intaynu waxaan danteenii ahayn daba joogno,..
Beenaale keligii taliye idinku noqda oo daalim ah oo jaahir ah ma waayayno, annigu noqon maayo, balan ayaan idiinku qaadayaa, maalinta aan idin wadi kari waayo ee aan idin hoggaamin karri waayo waan idinka tegayaa, laakiin ul idinku ururin karri maayo idin karbaashi maayo, wey howl yartahay sida la idiin karbaashaa, wey howl yartahay sida la idiin edbistaa, wey howl yartahay sida hoggaan la idiinku xidhaa, wey howl yartahay sida taas oo kale uu nin madax ahi idiinku samaayee aad iyo aad ayey u howl yartahay in berito nin madax ah oo idinku amar kutaaglaynayaa uu sameeyo, waxa maanta fakarka idiin eegi uu yahay maxay ku dhacday shalay, maxay dibna ugu dhicidoonin mar dambe, taa weeye ta la is weydiinayaa, waana jawaabtu mid qudha weeye.
Shalayto ayaa halkan la igu doortay anniga boqolkii 75% nin ayaa raggii codaynayey I dooortay, meesha markii aynu kasoo baxnay ayaa rag yidhi,waar waraabahaa aan iska ilaalino, waar ma waraabe ayaan ahaa markii uu I dooranayey 75-ka miyaan sixray, maxaan ku akhriyey, maxay ahayeen kii shalay la dooranayey ee intaasi isku raacday iyo Waraabaha la leeyahay maanta ha la idinka celiyo muxuu kala yahay ..
Waxa weeye marka la idooranayeyna dan la iguma dooran ee calaf illaahay ii qoray ayey ahayd , maanta marka aynu wada joognana weli ilaa aad dantiina garataan oo wixii dantiinu ku jirto meeshaa waddadaas weeye dantaydu wixii maraya ayaanu wax isku nahay shaydaan ha noqdo jin hanoqdo jaan hanoqdo, mid dhow hanoqdo mid dheer hanoqdo, wadadaas ayaa dantayadu ku jirtaa,wixii maraya ayaa wax naga dhaxeeyaan, taa marka uu illaahay idinku ilhaamiyo garataan weligiin dib u dhici maysaan ..
Dhadhan raaca, sacabka maxaa la ii saaraa reer hebel maxaa loo qabanayaa, anniga maxaa la isiinayaa inta arrinkeenu kaayahay ee Dowlad-nimadeenu ku dhisantahay dhadhamo,ama mid qabiil mid beeleed, mid qof, mid qoys intay ku dhisantahay, taas ayaa ina huran shalayna dhacda berina dhicidoonta, saadambena dhicidoonta, soo goosigeenii ma ahayn barasho aynu soo baranay inaynu 1960-kii qalad samaynay, shalyan waxaynu ku tegnay jibo maanta waxaynu ku nimi jibo, jibo meel ina gaynaysaa ma jirto, jibo taaweeye dhaxalkeedii,jibo talo la’aan iyo iska orad taaweeye dhaxalkeedii
Dib ayey u dhacaysaa sida ay maanta u socota haddii aynu u socono,sida fikir la’aanta qiimo la’aanta ee diinteenii iyo qiimaheenii iyo qadarkeenii oo dhammi uu ku xidhanyahay mijin jaad ah, mijin jaad ah inta aynu la caqli nahay, kuligeen reer Somaliland oo dhan, meel kasta oo aad joogto, mijin jaada inta uu caqligeenii ku xidhan-yahay ee wax walba ina gelinayso, kuwaas wixii ay u dhintee wixii laayahay kama foga inay mijin jaada u dhinteen, waxay taas dib ugu dhici karrin, waxaan leeyahay been wax inoogu hagaagayaa ma jiraan qof afmiin shaar ah wax isaga ugu hagagayaa waa laan jaad ah, waxa wax inoogu haggaagayaa waxa weeyee in aad ka fakertaan waar maxay danteenu tahay waddo u fala nin jeclaysina iska dhaafa, nin necbaysina iska dhaafa, dantayadi waa taas wixii wadda ayaanu wax isku nahay, garta dantiina , ilaa aad garataan wax dantiinu tahay