Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Xilka Ka Qaadayo Wasiir Guri-Barwaaqo Iyo Guddigii Golaha Guurtida Oo Maanta Bilaabay Dhagaysiga Cabashada Haweenka

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu damacsan yahay in uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo).

wasiir-guri-barwaaqo-2-150x150

Warar xog-ogaal ah oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in uu khilaaf xooggani uu soo ka dhex-galaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiir Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo).
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa toddobaadkii hore waxa uu gollihiisa wasiirrada u sheegay inay u soo bandhigaan waxqabadka iyo arrimaha ay qabteen muddadii ay xilka hayeen, wasiirradda intooda badan ayaa waxa ay madaxweynaha hortiisa ku soo bandhigeen wixii u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen balse wasiir warfaafinta Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) ayaa ku guul-daraystay in uu keeno wixii uu qabtay intii wasaaradda joogay taasi oo sabab u noqotay in ka cadhoodo Madaxweynuhu.
Sidoo kale wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in cabashooyin badan oo ka dhan ah wasiir Guri-barwaaqo loo gudbiyay Madaxweynaha taasina ay sabab u noqotay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa ugu yeedho wasiirka, mana jiro warar dheeraad ah oo laga helay waxa ay ka wada-hadleen Madaxweynaha iyo wasiirku.
Idaacaddii weynayd Idaacadii weynayd ee Radio Hargeysa ayaa laba jeer hawada ka baxday intii uu xilka hayay wasiir Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) iyada oo aan wakhti xaadirkana hawada ka maqan oo aan shaqaynayn.
Dhawaan ayay ahayd markii haween weynaha Somaliland ay golaha guurtida u gudbiyeen dacwad ka dhan ah wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), taasi oo golaha guurtiduna ay guddi u saareen cabashada haweenka.
Guddidii loo saaray ka soo tallo-bixinta cabashada haweenka ee golaha guurtida ayaa saaka bilaabay dhagaysiga dacwadaasi.
Haweenkan ayaa saaka ka soo xaadiray xarunta golaha guurtida halkaasi oo ay guddidii ka dhagaysteen cabashadoodii
Kulankaasi aya ahaa mid saacado qaatay balse markii ay soo baxeen ayaa waxa ay hawenku xaqiijiyeen inay xildhibaanadu dhagaysteen dacwadooda.