Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan Adag Gondaha Isku Daray + [ Arimihii Uu Waddani Dalbadey ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi
Cabdi iyo hogaanka xisbiga Waddani ayaa shalay kulan gondaha isku daray , waxaana kulanka loogu sii gogol xaadhayay kulan maanta dhex marayaa saddex xisbi qaranoo uu madaxweyne Muuse Biixi goob joog ka ahaan doono oo lagaga tashan doono doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deeganka oo la qorsheeyey inay qabsoomaan March 2019.

42058567_543338422764736_2294031226379436032_n

Ma Jiro wax war ah oo madaxtooyada iyo xisbiga Waddani ka soo saareen kulanka Shalay madaxtooyada ka qabsoomay , Lakiin warar xog ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey in kulanka oo uu madaxweyne Biixi Dalbadey ujeedadiisu aheyd in loo sii gogol xaadho kulanka Maantaee saddexda xisbi , si kulanka maanta uu u noqdo mid degan.
Warku waxuu sheegay in xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ay madaxweyne Biixi iyo masuulyiintii kale ee wehelineysay u bandhigeen Mawqifka xisbiga Wadani ee ku saabsan Guddiga Doorashooyinka oo uu Waddani Bishii March ee sanadkan uu kalsoonidii kala noqdey , waxaanay madaxda Si cad ugu sheegeen Madaxweyne Biixi iyo masuulyiintii kale ee kulanka ku wehelineysay inaanay ka qeyb galeen doorasho ay guddida doorashooyinku ee iminku masuul ka yihiin.
Waxaana uu xisbiga Waddani soo jeediyey in si deg deg ah loo Kala Diro Kominshanka doorashooyinka .
Lakiin masuulyiintii madaxweynaha Kulanka ku wehelinaysay gaar ahaan madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa sheegay inay adag tahay in la kala diro isagoo soo bandhigay dhawr qodob oo uu sheegay inay suurto gal ka dhigayn in guddida doorashooyinka wakhtigan la kala diro .
Waxaanu sida warku sheegay uu qodobka ku saabsan kala dirista Guddida doorashooyinku uu u muuqdey mid ay aragti ahaan ay aad ugu kala fog yahiin Madaxweyne Biixi iyo xubnihii dhiniciisa wehelinaysay iyo hogaanka xisbiga Waddani .
Waxaa loo Balamay in maanta Saddexda xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID isagu yimaadaan shir lagaga tashanaayo arimahan kaas oo uu madaxweyne Biixi-na goob-joog ka ahaan doono.
Sida warkan Geeska Africa sheegay Madaxweyne Biixi waxaa dhinaciisa ku wehelinaayey
1. Madaxweyne ku xigeenka Saylici
2. Wasiirka Waxbarashada Yasiin Faratoon
3. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere
4. Cabdi Casiis Maxamed Samaale
5. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xassan Gaafadhi
Dhinaca Xisbiga Waddani waxaa Hogaaminaayey Gudoomiye Ciro waxaana Wehelinaayey
1. Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee xisbiga Waddani C/Qaadir Jirde
2. Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xassan
3. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddano C/risaaq Khaliif
Source :- Geeska