“Muuse Biixi Muu Ahaan Jirin Nin Maqli Karayay Cabdiwali Gaas Baa Badhan Jooga Ee Malaha Waa Da’da” Xildhibaan Mataan Hoorri

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xildhibaan Mataan Muxumed Hoorri oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u muuqdo mid waayeelay, islamarkaana aan hore loogu aqoon dulqaadka hadda ka muuqda.
Waxa uu sheegay in sidii uu ku yaqaanay madaxweyne Biixi aanay suuro gasheen in uu faraha ka laabto madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo jooga Badhan.

7

Xildhibaan Mataan Hoorri oo aqoon u leh madaxweyne Biixi, islamarkaana ay soo wada galeen dagaalkii SNM kula jirtay nidaamkii Siyaad Barre ayaa sheegay in ay u muuqato in madaxweynuhu waayeelay oo nabadda ku faro adaygayo “Carqalado way jiraan oo dawladdii Soomaaliya ee aynu 30 sannadood ka hor ka adkaanay ayaa la leeyahay dhul aynu leenahay ayay qabsatay, waana arrin la yaab leh oo wax laga naxo ah oo waxaan loo qaadan Karin ah, haddana iyaguna way og yihiin in aynaan ahayn dad wax laga haysan karo, inana waynu ognahay in aanay ahayn dad wax haysan kara laakiin, waa iska itixaan uun waa se arrin dadka naxdin ku ah,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Mataan Hoorri oo ka hadlayay socdaalka hoggaamiyaha Puntland ku yimid degaanno gobolka Sanaag ah.
Xildhibaanka oo telefishanka Star u warramayay waxa uu ka faallooday sababta loo aanayn karo in madaxweyne Biixi tallaabo uga qaadi waayay Gaas waxaanu yidhi “Dee horta da’ina way jirta ee barigii hore Muuse(Madaxweyne Muuse) nin meel uu joogo waxyaabaha imika dhacaya lagula soo dhici kari jiray muu ahayn, giddigayagana sidaas ayaanu ahayn oo rag aad u firfircoon oo jawaabaha iyo tallaabada dagaalka dhiirranaan la yaab leh ku leh ayaanu ahaan jirnay oo Muuse-na ahaa kuwa ugu horeeya, maantase malaha waayeelnimada iyo waxbaa nagu soo kordhay, marka barigaas aan sheegayo Muuse muu ahayn nin maqli karayay Badhan baa la haysta maantana waa tan oo Cabdiwali baa leh meel baan fadhiya oo aan ka khudbadaynaya, marka maaha waxyaabihii Muuse lagu yaqaanay in uu waxaas oo kale dhegaysto. Waxaan u malaynaya waayeelnimada weeye oo dhallinyaradu fudayd ayay leedahay haddana fudaydka farriidnimana waa ku jirtay waayeelnimadana u kaadi iyo waxyaabo badan oo aanan xeerin jirin ayay kollay in la xeeriyo tahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Hoorri waxaanu intaas ku daray in uu ahaa maskaxdii ay ka soo maaxatay magac bixinta ururkii SNM(Somali National Movement).
Hadalka Mataan Hoorri ee ku saabsan madaxweyne Biixi wuxuu imanaya iyada oo uu dhawaan guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe sheegay in madaxweynuhu saddex jeer ciidamada ka soo celiyay aagga Tukaraq iyaga oo ilaa Garoowe socon lahaa.
Madaxweynaha ayaa u muuqda mid dhanka nabadda carrabka ku badiyay in intii uu xilka hayay inkasta oo uu hore ugu hanjabi jiray Soomaaliya