Shirkii Nabadaynta Beelaha Gobolka Sool Oo Maalintii 2-aad Galay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Awaamiir Bandoo Ah Kusoo Rogay Qaybo Kamida Magaalada Laascaanood.

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ Waxa Maalintii Labaad Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Ka Socda Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah ee wada dega Koonfurta Gobolka Sool kaasi oo fadhigii maanta lagu magacaabay Tirada xumbaha ergada unoqonaya labada beelood ee nabadayntooda loo fadhiyo iyo sidoo kale Tirada shir gudoonka Shirka Nabadaynta beelaha Walaalaha ah.

42142861_734628020223667_3719204871019167744_n

41991427_734627636890372_5767184920023662592_n

41972844_734627870223682_2923093766006898688_n

41938987_734626993557103_7678541960558149632_n

Shirkan oo saaka ku furmay jawi degan iyo isdhexgal ka dhashay nabadii la xidhay oo ka muuqday ergooyinka labada beelood ee nabadayntooda loo fadhiyo ayaa waxaa ugu horeyn shirkaasi furay Badhasaabka Bogolka Sool Oo Ergooyinka kula Dardaarmay iyo waxkhtiga ilaaliyaan inta uu socdo shirka nabadayntu waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Saaka waxaan codsanayaa cida gudida ah ee loo igmaday hawsha ee ay ugu horeeyaan cida gudida u ah labada beelood ee lasoo xuli doono iyo cuqaashiina iyo waxgaradkuba waxaan idinka codsanayaa inaad waxtiga ilaaliyaan hawshuna gudidaan ku wareejindoonaa waxaana kussoo dhaweynayaa wasiirka”.
Waxaasirka arrimaha GUdaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Halkaasi Ka Hadlay ayaa halkaasi kasoo jeediyey amaro culculu oo uu farayo Badhasaabka Gobolka Sool, Taliye Ku xigeenka Ciidanka Boliska S/Guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle, Taliyaha Qaybta Gobolka Sool Ee Ciidanka Boliska, Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Milaraiga, iyo sidoo kale tirooyinka shir guddoonka iyo ergada labada beelood u garamaya waxaana hadaladiisii kamid ahaa
“Dabcan waxaynu ku xisaabtamaynaa waa wakhtiga waxaanaynu doonaynaa inaynu qaabaynu qaabkii shirku inoogu socon lahaa 1- guddida kaxamka ah gartaa naqaysa ee idin wada hadalsiinaysaa waxay ka koobnaan doonaan 5 xubnood oo culimo ah iyo 15 Oday oo ka kooban Odayaasha Beesha Dhulbahate iyo Fuqashini dee deegaanka oo xeerbeegti odoyeed ah,
2-labada beelood raga cuqaal iyo codkar iyo waayeel hawshaa igu qayb galaysaa tiradoodu waxay noqonaysaa min 21 qof tirade hadhowto u hadlaysa qaabka ay u agaasimayaan iyo raga ay la tashanayaanba.
3- waxaan idiin sheegaynaa labada beeloon isla galabta idinkoo ilaalinaya wakhtiga inaan liiska xubnaha 21ka ah aad kusoo xaraysaan xarunta badhasaabka.
Intaasi waa hawsha halkan waxaa fadhiya taliye kuxigeenkii Ciidanka Boliska Taliyihii Qaybta ee Boliska Iyo Taliyihii Aaga bari ee milatariga waxaan farayaa in laga bilaabo sagaalka fiidnimo ee caawa ( 9:00pm ) in xaafada aad wada degtaan ay bandoo yihiin oo aan cidi dhex mari doonin ,
Wixii intaa ka danbeeya anagu waxaan fulinaynaa wixii go’aamu ah ee gudidaasi kasoo baxa”
Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha golaka wakiilada Somaliland Baashe Axmed Faarax waxaa uu sheegay in nabada laga wada shaqeeyo oo ciidamada lala shaqeeyo shirka iyo hamsami usockiina la ilaalino.