Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada: Yaa Ka Dambeeya Xatooyada Lagula Kacay Buugga iyo Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyey? Muxuu Se Salka Ku Haya Dagaalkani?

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa noqday kan ugu saamaynta badan muddooyinkii u dambeeyey kadib markii hadal hayntiisu ay si weyn u dhex qaaday bulshada.
FB_IMG_1540879915326-150x150

Tan iyo maalintii uu soo baxay waxay dad siyaabo kala duwan u fasiray buugga sidoo kalena waxa jiray dad dhinac siyaasadda uga faa’iidaysanayay dhacdooyinka buugga ku xusan.
Waxa ka mid ah in dhacdada Madaxwayne Siilaanyo la xidhiidha ee sida dul ka xaadiska ah uga hadlaysa xusuustii madaxwaynaha in kooxo ku talogal siyaasadeed lihi si weyna isu abaabulay soo dhex dhigeen bulshada iyadoo nuxurku ahaa in dhaliilo waaweyn loo sameeyo buugga iyo qoraaga. Waxa xusid mudan in sheekooyinka buuga ku jira qaarkood loo falkiyey si loo daboolo sheekooyin kale oo ku saabsan hogaaminta madaxwayne Biixi oo buugga si qoto dheer loogaga sheekeeyey.
Hadaba arrimahaas kadib ayaa Buugga Miyiga ilaa Madaxtooyadu waxa uu wajahay dagaal noocii hore ka duwan kadib markii sherkaddii gacanta ku haysay daabacaadiisa ee Asal laga xaday qoraalkii buugga iska markaana lagu sameeyey wax ka bedel iyo kaabis si sheekooyin hor leh loogu kordhiyo.
Ma cadda sababta buuggu uga baxay daabacadda Asal hase yeeshee Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay in buugga laga xaday Asal isla markaana wax ka bedel lagu sameeyey “Qoraalka PDF ka ah ee aan dhamayn ee Buugga “Miyiga ilaa Madaxtooyada” ee internet ka la soo geliyay waa tuugo laga soo xaday Madbacaddii iyo dadkii ku hawllanaa diyaarinta Buuggaas. Warqadda lagu sheegayo in qoraalka PDF ka ah aan ku fasaxayna waa beenabuur ay sameeyeen kuwii xaday. Qofna umaan fasixin”. Sidaas ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Arrimahan oo dhan ayaa u muuqda kuwo qorshaysan, abaabulan isla markaana dhinacyo badani ka wada shaqaynayaan sidii loo fashilin lahaa iyadoo nuxurku yahay in dhacdooyinka al xidhiidha habdhaqanka iyo hogaaminta Biixi ee buugga ku xusan la dedo.