Dabley Hubeysan Oo Askari Ku Dhex Toogtay Suuqa Weyn Ee Magaalada Boosaaso Iyo Khalkhal Galay Ganacsiga Suuqaasi

Boosaaso (Salaanmedia.com)_ Waxaa soo baxaya faah-faahin ku saabsan dil saaka ka dhacay suuqa ugu weyn magalada Boosaaso ee Xarunta maamul gobolleedka

IMG_099F94-48C79D-F1EFB7-A66305-550B60-D613BE

Puntland.
Dabley hubeysan ayaa waxa ay ku dhex dileen suuqa magaalada Boosaaso askari ka tirsan ciidammada dowlada hoose oo xilligaa howlihiisa shaqo ku dhex jirey.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilka askariga ay goobta ka baxsadeen, iyadoo uu khalkhal galay ganacsiga suuqa ugu weyn magaalada Boosaaso.
Waxaa soo kordhaya dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn maamul goboleedka Puntland.