[Deg Deg ]:- Agaasimiha Hey’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugida Soomaaliya Oo Iscasilay + [ Sababta ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Taliyaha Hey’adda NISA Xuseen
Cismaan Xuseen ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha.

IMG_B950AF-C60921-537247-2D5214-BD8BA6-071BF1

Sida lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA is casilaada Taliye Xuseen Uurkuus ayaa lagu sababeeyay arrimo u gaar ah.
Wararka ayaa sheegaya inuu isku diyaarinayo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo la filayo inuu noqdo Musharaxa ay dowladdu wadato.
Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay Xildhibaanimadiisa uga tagay magacaabidii xilka Taliyaha NISA, kaddib markii la magacaabay bishii February ee sanadkan.