[Deg Deg] :- Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Inay Ciidamada Dalkiisu Isku Dayeen Inay Dilaan + [ Goorma Ayey Aheyd ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidammadii dhawaan galay agagaarka xafiikiisa inay qorsheynayeen inay dilaan isaga.

IMG_FC6972-F663BA-348A1A-E80DDF-330567-61B1FE

44228301_111154986458209_3808437047136354304_n

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray ciidammada inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynayay.
Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gabanayay.
Wuxuu yidhi ” xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud”
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii, Dacwad oogayaasha Itoobiya ay shan qof ku rideen xukun ah inay argagixiso yihiin kuwaaso isku dayay inay dilaan ra’iisul wasaaraha kaddib markii bamboo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasadeed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadlayay.