Guddoomiyaha Shirkada Dp World Oo War Ka Soo Saaray Dhismaha Jidka Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha shirkada DP World
ayaa Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in ay socoto daraasad farsamo oo lagu hirgalinayo waddada isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale,taasi oo noqon doonta mid xudun u noqota ganacsiga Geeska Afrika oo isku xidhi doona Yurub ilaa Bariga dhexe.

IMG_267961-EA3C3D-29C9C9-CFC3A6-E1CD3C-74E6B6

Guddoomiyaha Shirkada DP World Sultan Axmed bin Sulayem ayaa faahfaahiyey waxqabad muuqda oo ay ka samayn doonaan Dekedda Berbera, isagoo sheegay in laga hirgelinayo marsadda Berbera qaybaha dajinta iyo dhoofinta,waxaanu intaasi raaciyey inay Dekedda ka samaynayaan Aagga ganacsiga xorta ah, iyadoo
laga faa’iidaysanayo khibradaha laga dhaxlay dekedda Jebel Ali iyo kuwa kale ee ay shirkaddu gacanta ku hayso kuwaasi oo ka saacidi doona inay Maraakiib badani ku soo hirtaan Dekedda Berbera iyo Aaga Ganacsiga xorta ah.
Siday ku warantay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA. Wasiirka Arrimaha DibaDda Dr. Sacad Cali Shir, ayaa Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, u xaqiijiyey inXukuumadda Somaliland ay dhisayso waddo isku xidha Bebera ilaa Togwajaale,waddadan oo ay ku baxayso lacag ku dhow 90 milyan oo doolar lana rajeynayo inay qayb ahaan maal geliso Imaaraadka carabtu