Madaxweyanaha Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ergadii Kasoo Qayb-gashay Shirkii Dib U Eegidda Siyaasadda Arrimaha Dibadda + [ Sawiro ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay ergadii kasoo qayb gashay shirkii dib u eegista siyaasadda arrimaha dibadda ee ka socday magaaladda Hargaysa.

IMG_2FD071-31690E-F5BDC1-5337BC-183F35-6CB88B

Ergadani oo ka kala socday dalal badan ayaa si weyn ugala shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qaabkii loosii dar-dar gelin lahaa Siyaasadda arrimaha dibadda iyo ictiraad raadinta Somaliland

43787900_1855139417933236_5551849055237177344_n

Wasiirka arrimha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ergadani kusoo dhaweeyay xafladda madaxweynuhu ugu yeedhay iyo guud ahaan dalka Somaliland, waxaanu sheegay Dr. Sacad in Somaliland ay si weyn uga dharagsan tahay abaal-na ay u hayso ergadan iyo dalalka ay ka yimaadeenba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Mudanayaal iyo marwooyin kusoo dhawaada xafladda iyo cashada uu idiin sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waa habeen farxad leh inaynu halkani ku wada kulano dhamaanteen, waxaan jecelahay mar labaad iyo mar-saddexaadba inaan idinku soo dhaweeyo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

43787887_1855139614599883_5902806522508869632_n

Ugu danbayna ergadani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulankaasi casho sharafta ah ee uu u sameeyey wufuudaasi kala duwan, waxaana ay sheegeen inay ka makhraati kici doonaan wanaaga ay Jamhuuriyadda Somaliland kusoo arkeen, oo ay tahay in ay wax bartaan dalalka Afrika.

43741382_1855139517933226_6511185388697026560_n

43952055_1855139597933218_4103811650413395968_n

43746929_1855139701266541_1068819112873951232_n

43851644_1855139791266532_5820726351702786048_n

43952526_1855139961266515_2712751702645145600_n

44057242_1855140937933084_250915240722563072_n