Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya Oo Mar Kale Maxkamad La Soo Taagay

Addes. Ababa. (Salaanmedia.com)_ -Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamad halkaasi ku taala ay goordhow biloowday dhageysiga dacwada loo heysto Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

40CE4855-351D-4BC2-8C30-D58CE22D438E

Maxkamada ayaa kal hore muddo 14-cisho ah dib u dhigtay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar iyada oo dib maanta u bilowday.
Maxkamada ayaa hadda ay si toos ah u dhageysaneysaa markhaatiyaal kala duwan oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu galay dambiyo kala duwan.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heystaa dilal, xadhig aan loo meel dayin, jidh dil iyo ku takri fal awoodeed, iyo eedeeymo kale.
Ciidamada dawlada Itoobiya 27-dii bishii Agoosto ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Maxamuud Cumar.
Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawaan sheegtay in wiilkeeda jirdil baahsan loogu geeysto gudaha xabsiga iyada oo sheegtay in gudaha xabsiga uu ku xanuunsanayo.
Maxkamada ayaa laga yaabaa in ay ku xukunto xukun aad u aad u adag sida ay sheegayaan dad arimahaan si dhow u la socda.