Ogaysiis Dhammaan Masuuliyiinta Maamulka Waddani UK, Masuuliyiinta laamaha Waddani UK

IMG-20181011-WA0052

London (Salaanmedia.com)_ Dhammaan masuuliyiinta maamulka Waddani UK, masuuliyiinta laamaha Waddani UK,
masuuliyiinta guddida Waddani Europe qaybta degan UK iyo taagerayaasha Xisbiga Waddani ee
degan dalka UK waxa la ogaysiinayaa in uu jiro kulan balaadhan oo uu yeelan doono xisbiga Waddani UK
habeenimada Sabtida ee 13ka October 2018.
Kulan kani waxa uu daaranyahay is xogwaraysi iyo soo dhawayn gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa ka mid ah xoghaya guud
ee xisbiga Waddani mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda sare ee
xisbiga Waddani. Sidaa darteed, waxa laga codsanayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Waddani ee
degan dalka UK in ay si mug leh uga soo qayb galaan kulan kaas.
Goobtu waa: Diamond Hotel, 142 The Broadway, London W13 0TL
Date and Time: 13th October 2018 at 07:00PM
Allaa Mahad leh