Raysal Wasaare Abiye Ahmed Oo Hakad Galiyay Mashaariic Ay Itoobiya Maalgashanaysay Iyo Madaxweyne Cagjar Iyo Ahmed Shide Oo Laga Joojiyay Inay Hargeysa Yimaadaan

Warar Kala Duwan Oo Wargeyska Foore Ka Helayo Sababta Ay Itoobiya Uga Maqnayd Munaasibaddii Loo Qabtay Balaadhinta Dekeda Berbera Ee Madaxtooyadda Somaliland Lagu Daah Furay.

43693509_926464114193364_7703048429768802304_n

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Sababta ay Dawladda Itoobiya oo dhinac ka ah Heshiiska Maalgashi ee Dekeda Berbera ay uga maqnaatay Munaasibaddii lagu daah furay Madaxtooyadda Somaliland ee balaadhinta iyo dhismaha Dekeda Berbera,kaasi oo ay isku keliyaysteen oo qudha Dawladda Somaliland iyo Shirkadda Dp-World, waxaanay arintani ku soo aadaysaa wakhti uu Itoobiya ka qabsoomay isbadel siyaasadeed oo saamayntiisa lehi.

Ugu horayn Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire Oo Wax laga Waydiiyay Sababta Itoobiya uga maqnaatay Munaasibadaasi ayaa sababayn kari waayay arintaasi waxaana uu si kooban u yidhi sidan“Itoobiya kamay soo qayb galin, laakiin ka maqnaashiyaheedu macnaheedu maaha Heshiiskii aynu galnay ayay kawada baxeen, Nuxurku Maaha imaatinka iyo ka muuqashada, heshiiskeenu sidii ayuu u taagan yahay,waynu wada naaqishi doonaa Insha Allah,Waxay inaga Itoobiya inoogu danaynaysana maaha, Danta Itoobiya ayaa kujirta,Berbera Itoobiya ayaa u baahan”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay waxaana tuhun badan dhaliyay oo aad wax la iskaga waydiiyay kalmada Wasiirka kasoo baxday ee ahayd Itoobiya kamay wada bixin heshiiska,waxaanay weedhaasi muujinaysa tuhun iyo shaki ku gadaaman sii jiritaanka saamiga Itoobiya.
Dhinaca kale Maareeyaha Dekeda Berbera ee Faraca Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo isna wax laga waydiiyay Sababta Itoobiya munaasibadaasi uga maqnayd ayaa waxa uu isna warbaahinta ka yidhi sidan “Ethiopia Haddii ay Ka Maqnaato iyo Hadii ay joogtaba Saxeex Baa Dhacay, Markaa Imaanshahani waa xaflad uun, hadii ay Ethiopia Mashquul ka noqoto dhibaato ma laha, laakiin saxeexii wuu dhacay, markaa wixii la saxeexday ayuun bay wax ku fulayaan hadii alle idmo” ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Maxamed.
Mar la weydiiyay bal in ay xukuumadda Somaliland marti qaad u fidisay Xukuumadda Ethiopia waxa uu kaga jawaabay “Walaahi Runtii Waa La Casuumay, laakiin waad og tahayoo isbedel dheer baa ka socda Ethiopia dhexdeeda xaaladahaas awood mooyaane laakiin heshiiskii wuu dhacay” ayuu yidhi.
Hadaba Wargeyska Foore oo baadhis qoto dheer ka galay inuu wax uun ka ogaado sababta Itoobiya uga Maqnaatay Munaasibadaasi oo faalo iyo falanqayn badan abuurtay ayaa waxa ay warar lagu baahiyay mareegaha wararka Afqalaad wax ku qora ay hoosta ka xariiqeen in Itoobiya hakad galisay Saamigii 19% -ka ahaa ee ay ku lahayd Maalgashiga Dekeda Berbera, waxaana la sheegay in Bishii June ee Sanadkan ay Madaxa Hay”adda dalka Ethiopia u qaabilsan maalgashiga ee loo yaqaano EIC (Ethiopia Investment Commission),ee uu madaxa ka yahay Dr. Belachew Mekuria, uu warqad u qoray madaxa shariikadda DP World, islamarkaana uu u sheegay in dawladda Ethiopia ay hakad gelisay Mashruucii maalgashiga ee ay hore u saxeexeen, isagoo ku sababeeyay in isbedelka Siyaasadeed ee cusub ee xukuumadda cusub ee Ra’isal wasaare Abiy ay doonayso inay ku samayso dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dib go’aan lagu gaadhay in Hay’addaha dawladdu ay gebi ahaanba dib eegis ku sameeyaan mashaariicda waaweyn ee ay dawladda Ethiopia dalka dibadiisa ka maalgashanayso.
Ma cadda inay Ethiopia doonayso inay gebi ahaanba ka baxdo heshiiskii seddex geespodka ahaa ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Somaliland, shariikadda DP World iyo dawladda Ethiopia. Balse waxaa cad inay xukuumadda Ethiopia ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed doonayso inay u wareegto magaaladda Casab ee dalka Eritrea, kana maarantay dekedda magaaladda Berbera.
Dhanka kale Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar(Cagjar) iyo Wasiirka Warfaafinta Dawladda Faderalka Itoobiya Axmed Shide oo hore Itoobiya ugu qaabilsan Saxeexa Heshiiska Maalgashiga Berbera oo la sheegay inay usoo xadhko xidhnaayeen ka qayb galka Munaasibadan ayaa la sheeegay in hakad la galiyay islamarkaana ay baaqdeen. Dawladda Somaliland ayaa iyadda lafteedu sida la sheegay maqnaashiyaha Itoobiya aan ka war haynin,islamarkaana ka war heshay uun Wakhtigii Munaasibada oo ay iman waayeen, balse markii hore raajicinaysay inay wufuudi ka timaado.