Xildhibaan Siciid Cilmi Iyo Xubnihii Ku Qaylin Jiray Mashruuca DP World Oo Hadda U Sacabo Tumaaya.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xubno uu ku jiro oo ay kamid yihiin Xildhibaano kale iyo siyaasiyiin ayaa isbadalka ay ku soo dhaweyeen mashruuca Sherkada DP World ee Dekeda Berbera waxay bulshada ku noqotay la yaab iyo amakaag.

018755BC-76D3-4D31-A1DD-3E795AACD75F

Xildhibaan Salacalee iyo xubnahan kale oo ay hayb wadagaan Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadh iyo habeen qaylo waxay la taagnaan jireen warbahinta xiligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyagoo ku musanaabijiray in mashruuca Dhismaha Berbera ee yahay mid qariban oo Lagu dhaxal wareejinaayo, arrinta yaabka leh ayaa ah inay hadda u sacabatumayaan isla mashruuci waxa qudha ee is badalayna ay tahay Siilaanyo iyo Muuse Biixi. Baraha bulshada ayaa siweyn arrintan bulshadu ugu qaada dhigaysay waxaana badi laysku raacay inay odayaasha badashay Qabyaalada lagu saliday Soomaalida.