Xukumadda Muuse Biixi Oo Wada Qorshe Ay Ku Qoranayso Ciidan Beelo Lagaga Soo Xulayo Gobolada Somaliland Iyo U Jeedkooda

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xukumadda uu Hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in ay dhawaan bilowdo qorshe ah in gudaha dalka laga qoroyo Ciidan Beeleed laga soo qoray dhammaan gobolada dalka.

1-65

Ciidanka ayaa waxaa loo soo Xulayaa qaab beelaysan waxaana marka qoristiisu dhamaato loo dirayaa Tababar dibaddeed oo Imaaraatka Carabta ah.
Dowladda Isku taga Imaaraatka Carabta ayaa doonaysa in ay keento saldhiga Barbara Ciidan ay leedahay kana mid noqdaan kuwan sidda beelaysan loo qaybsanayaa
Xukumaddii Madaxwayne Siilaayo ayaa Heshiis saldhig milatari ah la gashay waddanka Imaaraatka Carabta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka intooda badan laga qorayo Barbara oo ah goobta saldhigu ku yaal.
Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa xogo hoose oo laga helayaa ay xaqiijinayaa in howshan dhawaan la socodsiin-doono.