BBC Oo Wareysi Kulul La Yeelatey Ciro Oo London Jooga “ Muuse Biixi Dalka Inqilaab Kumuu Qabsan Ee Waa Laga Tashanayaa..” + [ Muuqaal ]

London (Salaanmedia.com)_ Laanta af Somaliga ee Idaacada BBC-da ayaa waxaa ay maanta wareysi kulul la yeelatey Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo ku sugan Dalka Ingiriiska .

BBC-da ayaa ugu horeyn gudoomiyaha ka wareysatey arimaha doorashooyinka iyo cabashada xisbigiisu ka gudbiyey kominshanka doorashooyinka waxaana uu sheegay in qabashada doorashooyinku uu masuulyada koowaad madaxweynuhu leeyahay oo uu isagu doorasho madaxweyne ku noqdey hadii uu doorasho qaban waayey-na talo qaran laga yeelan doono

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=mqiY8liZShE