Ma Dhab Baa In Madaxweyne Muuse Biixi Safarkiisii Gobolada Bari U Sii Kaxaystay Guutooyin Ciidan Ah

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay inta la ogyahay magaalada Burco, ayaa socdalkiisa wuxuu sii kaxaystay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

46440709_1781416021967174_131071402462674944_n

Markii uu Madaxweynuhu gaadhay magaaladda Berbera waxa muqaalada war-baahinta ka soo muuqday Ciidan xad dhaaf ah oo tiro ahaan ka badan intii caadiyan loogu tallo galay sugida ammaanka Madaxweynaha.
Lama oga sababta dhabta ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u ka xaystay ciidanka intaas leeg. Balse dad badan ayaa arrintan kaga faloonaayay baraha bulshada.

IMG_8563-768x489

IMG_8714-768x512