MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO XADHIGA KA JARAY MASHAARIIC UU HIRGELIYAY MAAREEYAHA DEKADA BERBERI

Berbera (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic laga fuliyey gudaha Dekedda Berbera, kuwasoo ay Kamid yihiin dhisme dabaq ah oo Hayadda Dekedda Somaliland loo dhisay.
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi iyo waftigiisu waxay fuuleen Taaga casriga ah ee Maareeyaha Dekeddu uu soo iibiyey dhowaan. Waxa kaloo Madaxweynuhu soo eegay goobta laga dhisaayo Dhismaha Dekedda cusub ee Berbera, waxanu halkaa warbixin kaga dhagaystay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu yidhi Maareeyuhu isagoo sharaxaya dhismaha Xafiisyadan uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, waxa uu yidhi.”Mudane Madaxweyne kani waa Dhismaha ay yeelanayso xarunta Dekeddaha Somaliland. Waa dhisme weyn oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan

m3(135)

Kastamku. Mudane Madaxweyne dhismahani waxa uu Kamid yahay waxqabadkii mudadii Xukuumadaada aanu fulinay, annagoo ka duulayna awaamiirtaadii aadna fartay iyo Siyaasadaadii baanu fulinaynaa”.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu booqday qaybta laga dhisaayo Dekedda cusub ee Berbera, iyaduu u Mar kale halkaa Madaxweynaha warbixin ku siiyey Maareeyaha Dekeddu Siciid Xasan Cabdilahi, isagoo sharaxaya goorta ay bilaabmayso iyo sidoo kale hadii laba sanno gudahood ay ku dhamayn waayaan ciqaabtay la kulmi doonaan waxa uu yidhi Maareeyuhu.
“Halkani Madaxweyne waa goobta laga dhisaayo Dekedda cusub, waxana halkaa inooga muuqda dhuumihii Haamaha Shidaal, sidaas daraadeed, waxa dhuumaha la rarayaa Hal Kiilo-miter, Waayo waa halis. Sidaas daraadeed dhismuhu wuxuu ka bilaabmayaa halkan 400 ee Miter xagaasay u soconayaan, dhowaana way bilaabmaysaa Dekeddu, Kambanigii ku guuleystay dhismaha wuxuu qalabkiisi nasoo gaadhayaa December 16-keeda, sidaas daraadeed, mudadaa 24-ka bilood dhexdooda inay ku dhamaato ayaa heshiiska Laguna saxeexay. Hadii ay dib u dhac sameeyaan waxa ku dhacaya ganaax weyn ayey Kala kulmi doonto Dawladda Somaliland, Madaxweyne inaad ku ducayso ayaanu kaaga baahanay”.
Gabo-gabadii Kormeerka Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay goobta laga dhisaayo Dekedda cusub, isagoo aad uga mahad celiyey waxqabadka Hayadda Dekedda, sidoo kalena amaro faray Dp World iyo Maareeyaha Dekeda, Kuna waaniyey inaan shaqo muwaadin qaban Karo aan ajanabi ka shaqayn, isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi Madaxweynuhu.”Qoladiinan Dekedda maamusha waxa la idinka rabbaa wixii shaqo iyo qandaraas idinka baxaya inay cadaalad ku baxaan, cabasho yey halkaa kasoo noqon, Dp World waa inaad Maareeye ku kaantarooshaa. Qodobka labaad meeshaa wax Somaliland karayso ee qalab ama aqoon waa inaaanay cid kale keenin, qoladan Dp World sidaasaad kula shaqaynaysaa Maareeye. Qodobka Sadexaadna waxa weeye, dadka deeganka, qiyaasta waa la iska garanayaa waxa loo reebayo, Waayo beri meelbaa laga helayaa dheeman, meelbaa laga Helaya Badrool meelbaa laga helaya, deegankana waa in sidaas loo fahamsiiyaa, oo waa inaanay dhicin dad aan aqoonin inay waxay doonaan ka hadal labadaas qodobaad ku dedaalaysaa”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

m10(41)

m5(100)

m1(176)