MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SANAD KA DIB U SOCDAALAYA GOBOLADA BARIGA IYO ILAA DEEGAANKA UU GAADHI DOONO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan socdaal ugu baxo qaar ka mid ah gobolada bariga somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanad ka dib markii loo doortay hogaaminta dalka waxa uu u diyaar garoobayaa inuu socdaal ugu baxo gobolada bariga somaliland, isaga oo la wada sugayo waxyaabaha uu la hortagi doono shacabka goboladaasi oo wali saluugsan siyaasada uu ku hogaaminayo dalka.

26170023_1520798161367365_6527600628990723599_n(2)

Wararka ay helayaan warbaahinta qaar ka mid ahi. ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu maalinta salaasada ah ka anba bixi doono magaalada Hargeysa, isaga oo u jihaysan doono gobolada bariga, waxaanay wararku intaas ku dareen in socdaalkiisa

shaqo uu ka bilaabi doono gobolka Saaxil.
Mudada uu ku sugan magaalada Burco ayey wararku sheegayaan inuu xadhiga ka jari doono mashaariic la sheegay in laga hir geliyey magaalada halka uu kuwo kalana dhagax dhigi doono.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu 21-ka bisha oo ku beegan maalinta arbacada ah uu tagi doono magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad Madheedh halkaas oo uu ka shaacin doono mashaariic laga fulinayo magaaladaasi.
Lama hubo in madaxweyne Muuse Biixi uu safarkiisa ku gaadhi doono gobolada Sool Iyo Sanaag oo ay ugu dambaysay wakhtigii uu ololaha ugu jiray kursiga ugu sareeya dalka ee uu haatan ku fadhiyo, iyada oo mudadii xukuumadiisu jirtay ay goboladaasina wajaheen xaalada kala duwan oo u badan dhinaca colaadaha.